Xukuumadda iyo Shir Guddoonka Wakiillada oo Kulan Wada Jira la Qaatay Weftiga Yugaandha

0
313

Hargeysa (Dawan):- Golaha xukuumadda Somaliland iyo shir guddoonka golaha wakiiladda Somaliland, ayaa kulan la qaatay wefti heer baarlamaan iyo xukeemadeed ah oo ka socda dalka Yugaandha oo Somaliland booqasho ku joogay maalmihii u dambeeyay.

Kulankan oo ahaa casho sharaf Madaxweynaha qaranku ku maamuusay weftiga ka socda dalka Yugaandha ee isugu jira xildhibaanada iyo xukuumadda dalkaas,ayaa ayay ku wehelinayeen shir guddoonka golaha wakiiladda Somaliland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland waxaanu ahaa kulan dhex maray weftiga Uganda iyo golaha Xukuumadda iyo shir guddoonka golaha wakiiladda.

Kulankaas oo ay madaxweynaha kala soo qaybgaleen, guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye ku xigeenka wakiilladda, mudane. Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr Sacad Cali Shire, gaashaandhiga, Mudane. Ciise Axmed Yuusuf, Horumrinta biyaha, mudane. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, marwo, Shukri Xaaji Ismaaciil Maxamuud Baandarre, Shaqo gelinta, Arrimaha bulshada iyo qoyska, marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, agaasimaha guud Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Cabdinaasir Axmed Xirsi iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile.

Munaasibadda casho-sharafta ah, ayaa ahayd mid uu madaxweynuhu ku maamuusay xildhibaannada iyo masuuliyiinta kasoo jeeda waddanka Uganda, islamarkaana lagu muujinayey xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Yugaandha.

Socdaalka weftiga ka socda dalka Uganda,ayaa ibo fur u noqon kara xidhiidh iskaashi oo dhanwalba ah oo labada dal ay wada yeeshaan,waxaana dalalka Uganda iyo Somaliland ay wadaagaan xidhiidh bulsheed oo qarniyo badan soo taxnaa waxaana ku dhaqan dalka Uganda bulsho aad u badan oo ka soo jeeda dalka Somaliland isla markaana dalkaas ka hir geliyay ganacsiyo waawayn oo kala duwan kaalin muuqatana kaga jira koboca ganacsi ee dalka Uganda.

Waxaanu Madaxweynaha qaranku uga xog warramay taariikho badan oo labada dal ka dhexeeya iyo in xidhiidhka Somaliland iyo Uganda uu ahaa mid soo jireen ahaa oo ay dhaqan bulsheed iyo mid ganacsiba ay wadaagaan waxaanu ku dheeraaday sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay in iskaashi dhanwalba ah ay labada dawladoodna wada yeeshaan.

Dhinaca kale weftiga Xukuumadda iyo baarlamaanka Yugaandha ka socday ayaa ballan qaaday in ay ka shaqayn doonaan sidii labada dal cilaaqaad aad u dhaw oo walaalnimo ay u samaysan lahaayeen iyo in la soo nooleeyo xidhiidhkii hore ee soo jireenka ahaa.

Xildhibaannada iyo masuuliyiinta ka socda Xukuumadda dalka Uganda oo muddo kooban ku sugnaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhawaan kasoo noqday booqasho ay ku tageen marsada caalamiga ah ee Berbera, iyaga oo soo indho-indheeyey dhaqdhaqaaqa ganacsi ee halkaas ka socda.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply