Taliyaha Aagga Bari oo Soo Dhaweeyay Ciidan Watay Gaadiid Dagaal oo Puntland Ka Soo Goostay

0
702

Hargaysa (Dawan)- Taliyaha ciidanka qaranka ee aagga bari Sarreeye Guuto Abwaan Cali Barre Xuseen, ayaa taliska aagga bari ee ciidanka qaranka ee Goojo Cadde ee gobolka Sool ku soo dhaweeyay ciidan iyo gaadiid dagaal (Tikniko) oo ay wateen, isla markaana ay kala soo goosteen maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Munaasibad soo dhawayn ah oo taliska aagga bari u sameeyay ciidanka ka soo goostay Puntland oo ay ka qayb qaleen taliyaha aagga bari ee ciidanka qaranka Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen, guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir, saraakiil sar sare oo ka tirsan taliska qaybaha aagga bari ee ciidanka qaranka iyo ciidanka ka soo goostay.

Taliyaha aagga barri oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadda ciidanka Puntland ka soo goostay, ayaa yidhi. “Waxaanu ku soo dhawaynaynaa taliska Gooja Cadde ee ciidanka qaranka, ciidamo ka soo goostay maamulka Puntland ee Soomaaliya, dhalinyaradan oo ah kuwii markii hore la marin habaabiyay oo laga kaxaystay deegaamo ka tirsan Buuhoodle, waxaanay ku soo noqdeen guryahoogii. waxaanay fahmeen meeshii ay joogeen in aanay iyagu lahayn oo gurigoodii uu halkan yahay. waxaanan ku soo dhawaynaynaa si kal iyo laab ah.”

Taliyaha aagga bari, ayaa intaa ku daray in Somaliland aanay cidna duullaan ku ahayn, isla markaana Somaliland diyaar u tahay in ay nabad ku wada noolaadaan dhammaan dalalka ay deriska yihiin “annagu Garoowe ma weerarayno, waxaanan leenahay walaalnimo aynu ku wada noolaano.”

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir, ayaa sheegay in dhallinyarada ciidanka Puntland ka soo goostay uu markii hore madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland uu hab qabiil ah kaga kaxaystay Buuhoodle, laakiin imika iyaga oo aanay cidina soo qasbin, soona kaxayn in ay garteen inay iyagu dalkooda iyo dadkooda ku soo noqdaan oo ay wax la qabsadaa.

Guddoomiye Cabdi Khayre Dirir, waxa uu farriin u diray dhammaan dhallinyarada reer Somaliland ee sida qaldan wax loogu sheegay ee ku jira maleeshiyaadka Puntland in ay ku soo noqon karaad dalkooda iyo dadkooda, isla markaana gacmo furan lagu soo dhawayn doono, kana mid noqon doonaan ciidanka qaranka ee u taagan difaaca dalkooda hooyo.”

Cabdi Khayre Dirir, isaga oo arrintaasi ka hadlayaynaw waxa uu yidhi “Ciidankani waxay ka tirsanaayeen ciidankii madaxweyne ku xigeenka Puntland saddex bilood ka hor uu ka ka xaystay magaalada Buuhoodle. waxaana loo kaxeeyay abaabul qabiil, been iyo waxaan jirin oo loo sheegay, laakiin imika iskood ayay u yimaadeen, cid soo kaxaysayna ma jirto oo soo qasabtay, waxaanay ka mid yihiin maanta laga bilaabo ciidanka qaranka oo ay la xuquuq yihiin. cid kasta oo u dhalatay Somaliland oo ka mid ah ciidanka Putland sida aanu u soo dhawaynay ciidankan ayaa loo soo dhawaynaya.”

Maxamed Faarax Cali oo ah taliyaha watay ciidanka iyo tiknikada ka soo goosatay Puntland, ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu sheegay in ay doorteen in ay dalkooda dib ugu soo noqdaan, kana mid noqdaan ciidanka qaranka Somaliland.

Taliye Maxamed, waxa kale oo uu intaasi raaciyay in ay ka yimaadeen oo ay Puntland uga oo goosteen markii lagu yidhi Garoowe, ayaad difaacaysaan oo aan ahayn deegaankoodii iyo dalkoodii, waxaanu yidhi “Waxaannu ka soo goosanay ciidamada maamulka Puntland, waxaanu ahayn ciidamadii Buuhoodle ka raacay Ina Camay, waxaana nalagu yidhi xabad baa idnku socota oo aannu ku baxnay, imikana waxaannu uga nimi oo na anfci wayday Garoowe difaaca.”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply