Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika oo la Magacaabay

0
305

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha debadda jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa wakil sharafeed u magacaabay danjire Axmed Jaamac Shire. Kaas oo noqon doona wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Koonfiur Afrika.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in masuulka uu magacaabay uu ku xushay aqoon iyo waayo aragnimadiisa arrimaha dublamaasiyadda. waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka oo u dhignaa sidan:

“Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga calaamiga ah, markuu arkay baahida loo qabo xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Koonfur Afrika, taasi oo looga baahan yahay qof wakiil sharafeed uga noqda Somaliland dalkaas.

Markuu la tashaday wasiir ku xigeenka, guddoomiyaha qurbo joogta Somaliland iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda, islamarkaana tixgeliyey aqoonta iyo waayo aragnimadaada, waxa uu go’aansaday in uu kuu magacaabo wakiil sharafeedka Somaliland u fadhiya dalka Koonfur Afrika, laga bilaabo maanta oo bishu tahay 15.8.2018. Hadaba waxa lagugu adkaynayaa in aad si daacad ah u gudato xilkaasi laguu magacaabay.”

 

Leave a Reply