Guddoomiyaha Wakiillada oo Raali Gelin Siiyay Shirkadda Dahabshiil

0
305

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha golaha wakilladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka jawaabay cabasho ay soo gaadhsiisay shirkadda Dahabshiil. cabashadaas oo daba socotay warbixin ay soo saareen guddida Illaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiillada oo sheegay in mad madaw ku jiray hannaankii looga iibiyay shirkadda Dahabshiil Laynka Bilayska.

Waxaanu intaa ku daray guddoomiye Baashe in shirkadda Dahabshiil iibka lagaga iibiyay laynka bilayska in aanay ku jirin wax mad madaw ah oo ay gole ahaan u caddaatay in iibkaasi si sax ah u dhacay oo aan shirkadda wax ku maqan iyo wax suuq madaw ah oo ay wax ku iibsatay midna aanay jirin.

Guddoomiyaha oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta golaha wakiiladda waxaauu yidhi. “Shirkada Dahabshiil ee wadaniga ah waxay noo soo gudbiyeen cabasho ay ka muujiyeen laynka bilayska ee Hargaysa oo laga iibiiyay Dahabshiil, waxaanay noo keeneen waraaqihii lagaga iibiyay, annaga iyo guddida illaalinta iyo dabagalka hantida qaranku waanu isla eegnay, waxaana caddaatay in si sharci ah looga iibiyay shirkada Dahabshiil laynka bilayska lacag dhan 927 kun oo dolar. waxaana noo soo baxday in shirkada Dahabshiil ay ku wareejisay 577 kun oo dolar shirkada Al Barako ee dhistay jeelka Burco, waraaqihii ay ku caddaynayeenna way noo keeneen.”

Guddoomiye Baashe oo hadalkiisa sii watay, ayaa intaa ku daray “waxa kale oo ay noo keeneen 350 kun oo dolar oo lagu raray dadkii degenaa laynka bilayska iyo saxeexyadoodii, waliba waxay sheeganayaan in lacag dheeraad ahi ay ka raacday iibsashada, markaa taas ayaanu saxaynaa.”

Leave a Reply