Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha oo soo Bandhigtay Hannaan Dadka lagu Barayo Dastuurka

0
294

Hargaysa (Dawan):- Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland, ayaa ka hadashay qorsheyaasheeda shanta sanno ee soo socda, tallaabooyinka ay qaadayso ee yoolka u ah iyo hannaanka ay ku shaqaynayso oo ay ka mid yihiin sidii dastuurka dalka loo gaadhsiin lahaa guud ahaan bulshada Somaliland, dadkana loo bari lahaa dastuurka qaranka iyo xeerarka ka farcama.

Agaasimaha guud ee wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland, Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye) oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Dawan, waxaa kale oo uu ka hadlay sida dastuurka Somaliland u yahay sharciga dalka iyo in uu yahay dastuur waafaqsan shareecada Islaamka. Isla markaana wax kasta oo ka hor imanaya shareecada Islaamkana uu ka dhigayo waxba kama jiraan aan dalka iyo dadka Somaliland lagu dhiqi karin.

Waxa kale oo uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in qof kasta oo muwaadin ahi in uu barto dastuurka dalka oo xuquuqda muwaadiniinta dammaanad qaadaya, isla markaana wax ku waajibinaya.

Ugu horrayn agaasime Dhabbeeye oo wax laga waydiiyay dammaanad qaadka xuquuqda muwaadiniinta iyo qaabka ay u ilaalinayaan, ayaa ku jawaabay. “Xukuumadda KULMIYE waxa saldhig u ah oo ka mid ahaa hal ku dhigyadii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sarraynta sharciga. Waxa asaas u ah sarraynta sharciga iyo dastuurka.

Markaa, isla xisaabtan ayaa imanaya, dastuurkuna dammaanad ayuu siiyay xuquuqda muwaadiniinta reer Somaliland, waxna wuu ka reebayaa muwaadiniinta, xuquuqna wuu siinayaa. Waxaa saldhig u ah dastuurka Somaliland shareecada Islaamka, wixii shareecada ka soo hor jeedaanaa wuxuu ka dhignaanayaa waxba kama jiraan.

Markaa si wada jir ah ayaanu uga shaqaynaynaa, anaga oo kaashanayna waaxyaha qaranku ka kooban yahay iyo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda ay qaranka ku leeyihiin muwaadiniintu”.

Agaasimaha oo la waydiiyay waxyaabaha ay wasaaraddiisu qaranka u qaabilsan tahay, ayaa ku jawaabay. “Waxaannu wadnaa qorshaha wasaaaraddu ku shaqayn doonto shanta sanno ee soo socda iyo xeerarka golayaashu ansixiyaan ee madaxweynuhu saxeexay.

Manay jirin cid u xil saarnayd dastuurka, illaa intii aftida laga qaaday shacabka reer Somaliland, waxaana wasaaradda lagu soo kordhiyay waaxda dastuurka oo ah waaxda ugu wayn ee dalkan asaaska u ah. Wasaaraddan ayaana u xilsaaran faafinta dastuurka. Madaxweynaha ayaana noo igmaday, waxaanan diyaarinaynaa in aannu ka shaqayno sidii aanu u daabici lahayn dastuurka iyo horumarintiisa.

Waxaannu doonaynaa in dastuurka lagu daro manhajka waxbarashada ee dalka, si ardayda dugsiyada ka soo baxayaa dastruurka u bartaan. Dastuurkana xeerar badan ayaa ka qeexmaya. Markaa qofku wuu fahmayaa in xeerkani yahay xeer ka soo farcamay dastuurka, waanu fahmayaa wixii dastuurka ka soo hor jeeday.

Sidaas darted, dalku xaq ayuu ku leeyahay dadka, dadkuna xuquuq ayay leeyihiin. Markaa muwaadiniintu markay fahmaan xaqa lagu leeyahay, waxa soo baxaysa muwaadin iyo madax wanaagsan”.

Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye), oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay wada shaqaynta ka dhaxaysa laamaha dawladda, ayaa ku jawaabay. “Shaqo fiican ayaa ka dhaxaysa xukuumadda iyo goleyaasha baarlamaanka, waana la sii xoojiyay intii xukuumadan madaxweyne Muuse Biixi joogtay wada shaqaynta naga dhaxaysa, golayaasha.

Waxa kale oo jirta hadal la yidhaahdo dastuurku wuxuu u baahan yahay in wax ka bedel lagu sameeyo, waana in dadku gartaan waxa laga bedelayo dastuurka. Marka ay taas gartaan ayaa wax laga bedeli karaa dastuurka.”

Leave a Reply