Xukuumadda Somaliland oo Suxufiyiinta ugu Baaqday Inay ka Fogaadaan Gobolaysiga

0
294

Hargeysa (Dawan)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo), ayaa tabobar muddo laba maalmood ah u furay qaar ka mid ah hawlwadeennada warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland ka hawlgala. Tabobarkaas waxa soo qabanqaabiyey ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri barwaaqo) ayaa suxufiyiintii ka qaybgalay tababarkaas ugu baaqay in ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan aqoonta ay ku qaadanayaan tababarkan, waxaanu ka codasaday inay ka fogaadaan wax kasta oo liddi ku ah mihnadooda shaqo ama wax u dhimaya sugnaanshaha wararka ay bulshada u gudbinayaan.

Wasiirku wuxuu ku boorriyey suxufiyiinta in ay ka dheeraadaan wax kasta oo ka turjumaya qabiil, deegaan ama dad gaara, balse warbaahinta looga fadhiyo sidii ay kor ugu qaadi lahayd wacyiga dadka iyo soo noolaynta Af Soomaaliga.

Wasiir Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, wuxuu ballanqaaday in ay ka wasaarad ahaan qaybtooda ka qaadan doonaan doorka ay ku leeyihiin tayeynta iyo kor u qaadida aqoonta suxufiyiinta Somaliland.

Wasiirku waxa uu u mahad naqay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland oo lahayd hirgalinta iyo qabsoomida tababarkan. dedaal xooganna ka gashay sidii suxufiyiintan loo siin lahaa tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo.

Leave a Reply