Qabsoomida Doorashada: Qorshe Guusheeda iyo Guul Darradeedu Ku Xidhnaan Doonta Dhinac keliya!

0
315

Hargeysa (Dawan) Doorasho, maqalkeedu darreeno kala duwan ayey u samaysaa dhinacyo kala duwan oo bulshada Somaliland ee gudaha ama dibeddaha jooga iyo weliba waddammo loo bixiyey saaxiibada Somaliland ama guud ahaan bulshada caalamka, taas oo dhinac walba ka eeganayo danno isaga u gaar ah, ama uga dhexmuuqda qabsoomideedu? Laakiin, waxa marag ma doon ah, inuu jiro dhinac kaliya oo guusheeda xigsanaya ama guuldarradeeda gaar loogula xidhiidhin doono.

Sidaynu hore u soo sheegnay dhinacyada saamaynta ku leh doorashada ama ay fursadda weyn u tahay, waxa ugu horreeya bulshada reer Somaliland, oo yeesha awood ay gacmahooda ku xushaan cidda ay u dooran lahaayeen daryeelka dannahooda guud.

Haddaba, waxa la gudboon in aanay fursadaasi ku dhaafin ama kaga lumin si fudud, una hawlgalaan in ay ka sii horqaadaan dariiqeeda waxii jilaafooyin loola badheedho dhicisaynteeda.

Golaha wakiillada oo qeyb ka ah dhinacyada ay saamaynta ku yeelanayso doorashada loo qorsheeyey horraanta sannadka dambe, (haddii Illaahay uidhaahdo) in ay dalka ka qabsoonto, ayaan in badan oo bulshada ka mid ahi naawilayn ama filaynin in ay diyaar u yihiin qabsoomideedu.

Taas oo sabab looga dhigi karo ama caddeynteedu ku filan tahay marka laga yimaado mowqifyadoodii keenay in loo kordhiyo muddo xileedkooda marar hore oo kala duwan, in aanay wakhtigan aynu hadlayno weli aanay diyaarin ama ka cago jiidayaan in ay gutaan waajibkii ummadu u dooratay, isla markaana ansixiyaan xeerar muhiim u ah qabsoomida doorashada oo horyaala bilahii la soo dhaafay, ilaa wakhtigan. Taas oo dib u dhac kasta oo ku yimaada, culays ku keeni doono in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto.

Arrinkaas oo dhinacyada danta ugu weyn ku waayi doonaa, haddaanay u istaagin kula xisaabtankeeda xubnaha golaha wakiillada muddo dhaafka ah yihiin bulshada Somaliland guddo iyo dibedd, wallow dhinaca kale is garanayo, sheegidna u baahnayn.

Komiishanka doorashooyinka Somaliland oo ah hay’adda u xilsaaran qabashada doorashooyinka ayaa xilligan u muuqda guddi illaa loo dhameeyo hanaankii ay u shaqeyn lahaayeen (dhinac xeerar iyo dhinac dhaqaale) aan la’aantood dhaqaaq iyo dhaliil u imanaysaa jirin, taas oo anniga laftaydu aan qirayo, sababta oo ah haddii sida Komiishanada doorashooyinka baddi caalamku u shaqeeyaan loo diyaarin lahaa, xeerarkooda iyo dhaqaalahii ay ku qaban lahaayeen hawlahooda loogu jaan goyn lahaa, aan sida wakhtigan gacmo madhan la taagnaan lahaadeen, balse, doorasho walba xilliga ay u cayimaan cid walba garoon diyaarsan ugu garsoori lahaa.

Saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo lagu tilmaamo danneenayaasha ugu muhiimsan doorashooyinka ayaa xilligan u muuqda kuwo aan u muuqan diyaargarowgii iyo u hub qaadshadii doorashooyinka mudankoodii ku soo fool leh (doorashada wakiillada iyo goleyaasha deegaanka) oo lagaga saadaal qaato in natiijooyinka ka soo baxa ama xisbiga kuraasida ugu badan ku guulaysta loo baddiyo (Ilaahay baa qebybka oge) inuu hoggaaminta talada dalka hantiyi doona mustaqbalka dhow, (sida doorashooyinka caalamka). haddaanay kuweenu ka duwanaanin, balse, haabkeedaba ma hayaan, bal adba!

Saaxiibadda Somaliland, wadammada lagu naanayso, oo baddi doorashooyinkii dalkani soo maray iyo ta la saadaalinayo dabada ka riixayey, wallow marka laga yimaado ku darsashada hadaladooda in la dardar geliyo ama wakhtigooda ku qabsoomaan mooyee, ay yarayd gargaar dhinaca dhaqaalaha ay ku kaalmeeyeen, ayaa laftooda aad moodaa inay ka gaabiyeen degdegii hore ugu jiray, ama la odhan karaa dannahii hore ay uga dhex arkayeen dedejinta qabsoomideedu haatan meesha ka baxay. Balse war jiraaba, wuu iman doonaa.

Ugu dambayn, xukuumada Somaliland iyo madaxweynaheeda mudane Muuse Biixi Cabdi, kaalinta kaga beegan qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada loo qorsheeyey horraanta sannadka dambe, nin raggi wuu ogyahay, nacasna loo sheegi maayo. Laga soo bilaabo ololeyaashii doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday sannadkii hore, illaa muddadii uu xilka hayey mudane Biixi tirro ma laha inta wakhti ee uu ballan qaaday in xukuumadiisa ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinka soo socda Idamka alle, iyo weliba sii qadimidda kharashkii ku baxayey qeybo ka mid ah (haddaanan khaldanayn), isla markaana wefdi kasta oo u yimaadana la wadaagayey ballanqaadkaa, balse is weydiintu waxay tahay, ma u diyaarsan yihiin xaqiiqdii gaadhitaanka hadafkooda, mise, sidii hore inoo daashatay ayaa marka xeedho iyo fandhaal kala dhaco, la eersan doona korodhsiimo aynu ku soo eedawnay dal iyo dad ba?

Waxaan kaga baxayaa, wakhtigu wuu ordayaa, culaysyada ku gedaaman doorashooyinkuna ma sahlana, ka horqaadkooda, ha ugu horreyso ka helitaanka xeerarkii lama huraanka u ahaa golaha wakiillada, oo weliba xubnaha aqlabiyada lagu tiriyo xisbul xaakimka, iyo u diyaarinta kharashkii lagu geli lahaa, ilayn horaa loo yidhiye (Nin la tolaa, tallo u taalaaye), ama qolyahii ferenji la eersataaba, adigaa madaxweyne mudane Muuse Biixi dal iyo dad ba masuuliyadeedii ku saaran tahay, guusha iyo guuldarada (Ilaahay kama dhigee) la soo gudboonaada qabsoomida doorashaduna waa mid taariikhdaada dambaysa iyo wakhtiganba ku suntanaan doonta. Waxaan anniga, dalka Somaliland iyo dadkiisuba kaa filaynaa madaxweyne in aan maruun ka nasanno naanaysaha aanan geyin ee na loo xambaariyo, ku galabsanno goleyaashan muddo dhaafka ku dheefa.

Insha allaah, qeybo dambe oo aan si gaar gaar ah ugu faalayn doono dhinacyada ay khusayso qabsoomida doorashooyinka, maalmaha soo socda ayaan la wadaagi doonaa akhristayaasha.

 

Leave a Reply