Somaliland oo Yeelatay Siyaasad Guud oo Lagu Hagayo Ilaalinta Degaanka

0
396

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarka reer miyiga Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa soo dhawaysay ansixinta siyaasadda guud ee lagu hagayo ilaalinta degaanka, oo shirkii golaha wasiirrada ee Khamiistii dorraad lagu ansixiyay.

Wasiir Shukri Baandare, oo kadib markii golaha wasiirradu xeerkaas ansixiyeen warbaahinta la hadashay, ayaa sheegtay in ka wasaarad ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin ansixinta xeerkaasi, isla markaana ay uga mahad celinayso golaha wasiirradda iyo madaxweynaha ba, sida masuuliyada leh ee ay isaga xil saareen.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo arrintaasi ka hadlaysayna waxa ay tidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay siyaasadda guud ee lagu hagayo degaanka, waanan uga mahad celinaynaa madaxweynaha iyo golaha wasiirrada ba. Waxaananu doonaynaa in si weyn loogu dhaqmo. Halkaana xeerarka ayaa la eegi doonaa, xeer walba na wuu la jaan-qaadi doonaa insha ALLAAH.”

Marwo Shugri waxa ay intaasi raacisay “Waxaad moodaa in maanta (doraad) tallaabo weyn oo horumar ah ay wasaaradu ku dhaqaaqday ama Somaliland oo dhami ku dhaqaaqday. Sababta oo ah adduunyadii ayaynu la jaan-qaadnay.

Marka xagga degaanka la eego koow ayay ka tahay in aad siyaasad ka yeelato, haddii aanad siyaasad lahayn mushkilad ayay tahay. Markaa mar hadii maanta (dorraad) siyaasadii guud la ansixiyay, waynu la jaan-qaadnay caalamkii kale.”

Wasiir Shukri Baandare, ayaa faahfaahin ka bixisay muhiimadda xeerkaasi iyo wasaaradaha dawladda ee ay wada shaqaynayta xagga ilaalinta degaanka ah ka dhaxayso. Waxaanay tidhi “Xeerka maanta (dorraad) waxay golaha wasiirradu ansixiyeen siyaasaddii guud ee lagu hagayay degaanka.

Wasaarrado badan ayaannu isa soo galnaa, oo aanu meelo badan iska soo galnaa. Deegaan la’aani na waa nolol la’aan. Waxaynu ku nool nahay waa deegaankeena, oo aynu ku dedaalayno ama doonayno in aynu dhawr-no”.

Dhinaca kale wasiirka degaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa farriin u dirtay bulshadda Somaliland oo ay ugu baaqday in si weyn la isaga xil saaro ilaalinta degaanka, isla markaana lagu dedaallo sidii loo yaran lahaa faraha ba’an ee lagu hayo Dhir jarista.

Marwo Shugri Baandare, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waad aragtaan degaankeennu siduu yahay iyo bur burka ku socda iyo sidaynu u isticmaalayno khayraadkeena, waxaynu u baahan nahay in inaga oo isticmaalayna khayraadkeena in aynu haddana bedelkeedii na ku kaabno.

Waxaan odhan lahaa bulshadda Somaliland meel kasta oo aad joogtaan ba in la isku taxalujiyo sidii degaanka loo ilaalin lahaa, gaar ahaanna Dhir goynta socota ee xoogga loo jarayo, ee aafadda ah.

Waxaanan u soo jeedin lahaa waa in aynu aad u yarayno Dhuxusha aynu isticmaalayno, oo geedka Garanwaaga loo yaqaano Dhuxusha laga shito”. 

 

Leave a Reply