Siyaasi Duur oo ka Hadlay Is-bedelada Siyaasadeed ee Geeska Afrika

0
260

Hargaysa (Dawan)- Siyaasi Maxamed Nuur Carraale Duur oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay is-bedelada siyaasadeed ee ka socda dalalka Geeska Afrika oo uu tilmaamay in ay ku socdaan jid wanaagsan oo wax isu soo dhawayn iyo nabadayn ah.

Waxa kale oo uu sheegay in uu jiro hal qodob oo dhibaato ah oo ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan qoomiyadda Soomaalida oo aan wali xal loo helin lana dhammayn.

Siyaasi Duur oo ka hadlayay is-bedelada ka hir galay geeska Afrika waxa uu yidhi “Isbedello ayaa ka socda geeska wixii colaad ahaa ee dhex yaalay dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya waa la soo afjaray, wixii kala qayb samiya ee ka jirtay dalka Itoobiya ee qoomiyado iyo diimo ah wixii dhibaato ahaa ee dhex yaallay waa la dhameeyay, tii Jabuuti iyo Ereteriya u dhaxaysayna waa la wadaa.”

Maxamed Nuur Carraale waxa uu sheegay in aan la soo afjarin qabyaalada ka dhex jirta Soomaalida, waxaana uu intaa ku daray in uu jiro hal qodob o aan wali loo dhaqaaqin oo ah dhibaato weyn oo ka jirta geeska Afrika. “Geeska Afrika hal wax ayaan la soo afjarin, waana qabyaalada Soomaalida. mashaakilkii kale oo dhan waa la xaliyay, qabyaalada macno darrada ku salaysan ee Soomaalida ku habsatay, qabyaalada boqolkiiba toddobaatan waxa ay taallaa Somaliland, aad ayaanay nasiib darro wayn u tahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply