Madal Kulmisay Ganacsato oo Tallooyin la isku Dhaafsaday

0
267

Hargeysa (Dawan)- Kulan hawleed ku saabsan nidaamyada loo maro abuuritaanka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iskaashi dhexmara ganacsatada yaryar, kuwa dhexe iyo kaalinta ay ku leeyahiin koboca dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo lagu qabtay Hudheelka Damal, isla markaana ay soo qabanaabisay Salma Cabdiraxmaan Walaaleye, warbaahinta The Somaliland Review, waxaa ka soo qeybgakay marti sharaf isugu jiray masuuliyiin xukuumada ka tirsan, siyaasiyiin, qurba-jooga iyo qaran-joog maalgashi dalka ka sameeyay maalgashiyo ku saabsan ganacsiyo kala duwan.

Salma Cabdiraxmaan Walaaleye oo hadal ka jeedisay madasha ayaa sheegtay in ay muhiim tahay dhiirigelinta ganacsiyada yaryar, kuwaasi oo kaalin ka qaata koboca dhaqaalaha dalka, waxaanay tidhi, “Ganacsiyada yaryar waa xoogaga dhaqaajiya koboca dhaqaalaha dalka. Waa muhiim, in bulshadu ku baraarugto, qiimayso, oo taageerto.
Ujeedada aanu kulankan u soo qabanqaabinayna dulucdiisa waa taageeridooda.”

Sida ay ka dhawaajisay Salma Cabdiraxmaan Sheekh, warbaahinta The Somaliland Review ayaa mustaqbalka, haddii Illaah yidhaahdo, qabanqaabin doonta kulano dheeraad ah, oo qeyb ka noqon doonaan dhammaan daneeyaasha qaybaha bulshada ee doorka muhiimka ah ka ciyaara horumarka dalka iyo dadka reer Somaliland.

Nuxurkii kulankan ayaa ahaa in la helo ganacsato isku duuban oo si salmi ah suuqyada dalka uga shaqeysta iyo in xukuumadu doorkeeda sharci dejinta ganacsiga iyo ku dhaqankiisa degdeg u hirgeliso si ganacsatadu u hesho deegaan xasilan oo ganacsigoodu ku kori karo.

Mudadii kulankaasi socday, ayuu aqoonyahan Axmed Maxamed Adan, khabiir nidaamka baananka Islaamiga ku takhasusay, isla markaana ah Gudoomiyaha Shirkada Dabiici Juice Ltd, iyo Ifraax Cabdi Cartan oo maalgashi Ganacsi dalka ka samaysay kaga hadleen faa’iidooyinka abuuritaanka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iyo sida loogu baahan yahay in shuruucda dalkeena ee la xidhiidha maalgashiga gudaha iyo dibedaba u noqon lahaayeen kuwo soo jiidasho leh.

Jamaal Cali Xuseen, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Ganacsiyada yaryar kaalin muhiim ah ka qaataan shaqo-abuurka caalamka, waxaana hadaldiisi ka mid ahaa,

“Ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe waxay hawlgeliyaan boqolkiiba konton 50% bulshada dalwalba oo caalamka ah, taasoo lama huraan u ah koboca dhaqaalaha dalalkaa.”

Mr. Axmed xasan Carwo, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo kulanka ka hadlay ayaa ku booriyey ganacsatada maalgashiga dalka ka samaysay inay midoobaan, isla markaana xukuumada iyo Baanka dhexe xidhiidh yeeshaan, waxaanu yidhi,

“Inaad ururo samaysataan, oo dawlada la xidhiidhaan oo Baanka dhexe la xidhiidhaan waa muhiim

Dhinaca kale, madashii kulanka manta waxa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo adeegyada ay sameeyaan qaar ka mid ah ganacsiyada gaarka loo leeyahay, kana mid ahaayeen, HOOYONIMO, madal laga helo agabka hayaanka hooyada, oo Khadija Dr Cabdillaahi Walaaleye abuurtay, AlphaTech, oo qalabka Elektorooniga guryaha iibiya, YAGLEEL, oo diyaariya madalada munaasibadaha kala duwan loo asteeyey, iyo kuwo kaloo dhamaantood kaalin ka qaatay shaqo-abuur dhalinyarada Somaliland ka heleen.

Bulshada Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida ayaa lagu nisbeeyaa dad ganacsiyada abuuritaankooda u sahlan tahay, una baahan keliya dhiirigelin, laakiin, caqabado ka hortaagan saaxadii ganacsiga ayaa jira, oo baddi la xidhiidha jiritaan la’aanta shuruucdii loo baahnaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply