“Waxaannu Doonaynaa in Sannadaha soo Socda 70% Dakhligu ku Tiirsanaado Cashuuraha Berriga”… Wasiirka Maaliyadda

0
276

Berbera (Dawan):- Wasiirka wasaaradda maaliyadda jamhuuriyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in ay qorshaynayaan sannadaha soo socda in dakhliga dalka inta ugu badan laga soo saarro ururinta cashuuraha berriga.

Waxaanu tilmaamay in si kor loogu qaado kobcinta cashuuraha berriga ay goboladda dalka oo dhan ka hirgelinayaan xafiisyadda wasaaradda maaliyadda, gaar ahaanna cashuuraha berriga, isla markaana ay u dirayaan shaqaale u tababaran hawshaasi.

Yuusuf Maxamed Cabdi, oo safar shaqo ku jooga magaaladda Berbera ayaa shalay waxa uu kormeer ku soo maray xafiisyadda cashuuraha berriga ee magaalada Berbera. Isaga oo xusay in Berbera uu uga sii gudbi doono degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil.

Wasiirka oo ka hadlayay xoojinta cashuuraha berriga iyo siday doonayaan in kor loogu qaado waxa uu yidhi “Waxaynu doonaynaa dakhliga dawladda iyo qaranku inuu ku tiirsanaado cashuuraha barriga. Waxaanu rabnaa sannadaha soo socda in 70% (boqolkiiba todobaatan) cashuuraha barriga loo guuro.

Waad ogtihiin oo badeecadaha socdaa heshiisyo dublamaasiyadeed ayay ku xidhan yihiin, laakiin dakhliga dal jira waxa uu ka soo baxaa waa cashuuraha barriga. Cashuuraha barriga ayaanu xoojinaynaa”.

Waxaanu intaas ku daray “Degmadda Sheekh ayaanu tageynaa, meel kasta oo aanu u aragno in dakhli ka soo baxayo xafiisyo waaweyn ayaanu ka furaynaa, shaqaale aqoon iyo xirfad ba leh oo tababaran ayaanu geynaynaa. Waxaanu soo bandhigi doona dhawaan wixii dakhli ah ee naga baxay iyo halka uu ku baxay, bulshadda ayaanu la wadaagaynaa” ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Somaliland.

Geesta kale Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu ka hadlay odoroska miisaaniyad sabnadeedka 2018-ka iyo rejadda ay ka qabaan in sidii la rabay ay u soo baxdo.

Waxaanu ka codsaday wasaaradaha dawladda ee wada shaqayntu ka dhaxayso in ay si hufan ugala qayb qaataan soo xeraynta dakhliga. Waxaanu yidhi “Odoroska miisaaniyadda ee sannadka 2018-ka si fiican ayaanu u gaadhaynaa kalsooni ayaanan ku qabaa, haddii Illaahay SWT yidhaahdo.

Bah wadaagta wasaaraddaha iyo goobaha kale ee dakhli soo saarka in iyaguna si wanaagsan ay noola shaqeeyaan, dhismayaasha wasaaraddu ku leedahay goboladda iyagana dib u habayn iyo dayactir ayaanu ku samayn doonaa. Shaqaale dadka ka dhaadhicin kara cashuurta lagu leeyahay oo banaanyaala ayaa dalka wax u qaban kara”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply