Wasaaradda Shaqo Gelinta oo iska Fogaysay Warar Laga Qoray

0
394

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qaoyska Somalialnd, marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah oo ay ku sheegeen in khilaaf cakirani ka dhaxeeyo agaasimaha guud ee wasaaradda, Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), kaas oo sababy in ay dacwad ka gayso xarunta madaxtooyada Somaliland.

Marwo Hinda Gaani ayaa sheegtay in aanu jirin wax khilaaf oo ka dhaxeeyo iyada iyo agaasimaha guud ee wasaaradda, waxaanay tidhi “Maalmahanba waan arkayey iyada oo baraha bulshada lagu baahinaayo laakiin hadaan horta si kooban uga Jjawaab, islaamuhu waxa ay yidhaahdaan baloy yahuu, markaa qolyaha waxyaabahaas sheegaya waxaan leeyahay beloy yahuu.”

Wasiirka shaqo gelinta ayaa xustay in ay ku faraxsan tahay hab maamulka shaqo iyo shakhsi ee agaasimaha guud, iyada oo arrintaasi ka hadlaysayna waxa ay tidhi “Maxamed waxa aan ku faraxsanahay wakhtigii la ii keenay illaa maanta inuu ila qabtay wax badan oo igu suuro galay wada shaqayntiisa aad ayaan ugaga mahadcelinayaa agaasimaha. Madaxweynaha waan ugu mahadnaqayaa runtii inuu isoo xulay agaasimahan.”

Ugu danbayntii wasiir Hinda Jaamac Xirsi waxa ay sheegtay in ay jiraan warar badan oo wasaarad ahaan laga been abuuray waxaanay tidhi “beryahanba waxa jiray waxyaabo badan oo la qorayey oo aan is idhi wasaaraddu muraayadii saxaafadda oo dhan ayey keligeed ku uruurtay oo waxyaabo badan ayaa la qoraayey, maantana aniga iyo agaasimahayga ayaa la qorayaa kayga. Balaayo waanu ka magan galnay waxaana naga dhaxaysa wada shaqayn, ixtiraam iyo kalsooni aad u badan”

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here