Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka oo Wadda Qorshe Gobolada Dalkaas Lagaga Hanan Karo Ictiraaf

0
297

USA (Dawan):- Saamiya Maxamed Cabdulle Walanwal oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Maraykanka, isla markaana door aad u weyn ku lahayd aqoonsiga ay Somaliland ka heshay golaha deegaanka magaalada Clarkston, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in ay hadda ku baraarugeen in ay isu taagaan meel marinta qaddiyada Somaliland guud ahaan jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isla markaana ay doonayaan in gobolada iyo degmooyinka dalka Maraykanka oo dhan goleyaashooda deegaanka iyo xildhibaanada heer gobol in ay ku qanciyaan in ay ku daydaan golaha deegaanka ee Clarkston oo ay aqoonsadaan Somaliland.

Waxaanay intaa ku dartay in ay taa kaga faa’iidaysanayaan doorashooyinka dawladaha hoose ee dhawaan dalkaas ka qabsoomaya oo jaaliyadda reer Somaliland ee ku sugan dalka Maraykanku in ay xildhibaanada doorashooyinka deegaamada ee Maraykanka u tartamaya in ay u soo bandhigayaan inta ay jaaliyad ahaan yihiin ee ay cod ku siinayaan iyo inta taageerta ee la qaddiyada ah in ay codadkooda u hayaan, isla markaana ay ka doonayaan in ay iyaguna qaddiyada Somaliland madaxbannaanideeda in ay la meel mariyaan iyo in la kala garto Somaliland iyo Soomaaliya in ay laba dal oo kala madax bannaan yihiin.

Waxa kale oo ay sheegtay in wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland iyo hay’adda qurbe joogga labaduna in ay shaqo wanaagsan ay dibedda ka qabteen oo ay qaddiyada Somaliland meelo badan gaadhsiiyeen, isla markaana wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire uu aad uga shaqeeyay isku xidhnaanta jaaliyadda reer Somaliland ee dibedda ku dhaqan.

Saamiya Maxamed Cabdulle Walanwal waxay sidaa ku sheegtay waraysi gaar ah oo ay xalay khadka taleefanka ku siisay wargaeyska Dawan.

Saamiya oo la waydiiyay tallaabada xigta aqoonisga Somaliland ay ka hesahy golaha deegaanka Clarkston ee ay qaadayaan jaaliyad ahaan, ayaa tidhi. “Horta cidna wax aanay qabsan cid kale ma siiso, waxaana jirta in aanu ku baraarugnay haddaanu nahay jaaliyadda reer Somaliland ee Maraykanka waxaanu hore uga seexanay oo ah xaq dalkayagu nagu leeyahay isla markaana aanu imika diyaar u nahay in aanu qabano, waxaana noo qorshaysan in goleyaasha deegaanada ee magaalooyinka kale ee Maraykanka in aanu ku qancino in ay ku daydaan golaha deegaanka ee Clarkston oo ay aqoonsadaan qarannimada iyo dawladnimada Somaliland.

Taasi waxay u baahan tahay dedaal iyo isku duubnaan, dadka aad la joogto ee aad la dhaqan tahayna xaq ayay kugu leeyihiin, adna xaq ayaad ku leedahay. Markaa waxaanu ka mid nahay dadka wax dooranaya ee codka bixinaya, markaa waa in ay jiraan wax noo qorshaysan oo aanu ula tegayno cidda doorashooyinka dawladaha hoose iyo kuwa goboladaba uga tartamaya dalka Maraykanka iyo kuwa imika jooga labadaba oo aanu u sheegnaa inta aanu gobolka ama magaalada ay ka tartamayaan aanu ku joogno ee aanu cod ugu hayno ka jaaliyad ahaan iyo inta na taageersan ee codka nagu biirinaysa ba, markaa waxaa noo qorshaysan in goleyaal deegaan oo kale oo badan oo Maraykanka ka tirsan in aanu ka dhaadhicino in ay Somaliland aqoonsadaan, kadid bana aanu doodayadda u gudbino heer gobol oo qadiyadda Somaliland horta aanu ku ballaadhino deegaanada magaalooyinka iyo gobolada Maraykanka, si marka dambe aanu ugu gudbi karno in looyaro gobolada laga qabto oo ay gaadhsiin karaan qadiyadda aqoonsiga Somaliland in loo gudbin karo Kongarayska Maraykanka.”

Mar wax laga waydiiyay sida uu ku yimi aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Clarkston, ayay tidhi. “Aqoonsiga aynu ka helnay golaha deegaanka ee Clarkston, ee gobolka Georgia wuxuu ku yimi hawl aanu muddo wadnay ‘wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland iyo wasiir Sacad na shaqo aad u wayn ayay qabteen oo waxay dedaal badan geliyeen in ay jaaliayadda reer Somaliland ee Maraykanka in ay isku xidhaan oo ay ka dhigaan qof keliya.

Taasi waxay noo suura gelisay in aanu is waydiino horta qof waliba halka uu doono ha joogee, miyaan qaranka xil ka saarnayn oo aan xaq loogu lahayn inuu qaddiyadda dalkiisa wakhti geliyo, taasina waxay keentay doodo badan in aanu la galno golaha deegaanka ee magaalada Clarkston oo aanu aakhirkii ku guulaysanay in ay aqoonsadaan Somaliland, waana guul bilaw ah oo aanu sii wadayno. Waxaan odhan lahaa guud ahaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka dibeddiisa waxaad tihiin safiiro Somaliland ee ka hawl gala aqoonsiga Somaliland oo ugu yaraan ku qanci horta deegaanka aad deggan tahay in ay adiga iyo qofka Soomaaliya u dhashay in aad kala laba dal tihiin, in ay xaqiiqsadaan oo halkaa ka bilaw raadinta aqoonsiga Somaliland..”

Saamiya oo ka hadlaysay siday gacan uga geysato arrimaha samo falka ee Somaliland, ayaa tidhi. “waxaan ku jiraa oo aan ka mid ahay ururro bulsho oo halkan Maraykanka ka jira, gaar ahaan gobolka aan deggenahay, waxaana ka mid ah oo ku jira in ka badan laba milyan iyo badh carruur ah, markaa uraradaas ayaa gacan ka geysta taakulaynta carruurta iyo hooyada Afrika, markaa ururradaasi taakulada ay Afrika gaadhsiinayaan ayaan dhanka Somnaliland anna uga doonaa in ay ka qayb geliyaan dawooyinka ay Afrika ugu tabarucayaan, taas ayaanan qayb ahaan soo gaadhsiiyaa Somaliland, meel kasta oo aad joogtana waxaa loo baahan yahay in adiga oo Somaliland ah in aad joogto oo aad ka muuqato. Wixii dheef laga helayana in qarankaaga iyo dalkaaba ay wax ka gaadhaan,” ayay tidhi Marwo Saamiya Maxamed Cabdulle Walanwal oo iyada oo ku sugan dalka Maraykanka taleefanka ugu warrantay Wargayska Dawan.

Leave a Reply