Gudidda Qandaraasyadda oo si Daah-furan u kala Saaray Shirkaddo u Tartamay Mashruuca Beer

0
284

Hargeysa (Dawan)- Gudidda qandaraasyadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa hannaan daah furan u kala saaray saddex shirkadood oo ku tartamayay qandaraaska qodista mashuuc beereedka deegaanka Beer ee gobolka Togdheer, iyaga oo kaashanayay wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland.

Saddexdan shirkaddood ee u tartamay mashruuca qodaalka beeraha ee deegaanka Beer ayaa lagu kala saaray xafiiska gudoomiyaha gobolka Togdheer ee magaalada Burco, iyada oo guddida qandaraasyada qaranka Somaliland ay halkaasi si daah furan ugu soo bandhigeen tartankii dhex maray shirkadahan iyo qaabka loogu guulaystay.

Munaasibaddii lagu shaacinayay shirkaddii nasiibka u heshay fulinta mashruucani qodaalka mashruuca Beer, waxaana goob joog ka ahaa, wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha mudane Axmed Muumin Seed, gudoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, gudoomiyaha qandaraasyada qaranka Nuux Maxamed Xuseen iyo waliba shirkadihii tartanka u galay fulinta mashruucani iyo xubno ka mida odayaasha deegaanka Beer.

Gudoomiyaha qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay cidda ku guuleysatay fulinta mashruuca qodaalka ah, waxaanu yidhi “Waxaa aynu ku dhawaaqaynaa go’aankii 700-higter ee qodaalka ahaa ee magaalada Beer loogu tartamayay, waxaa ku soo tartamay saddex shirkadood oo kala ah, Libaax, Barwaaqo iyo Basific.

Shirkadda Basific wax allaale wax qiimo ah oo ay soo qoratay ma jiro, tartankuna waa iska ilduufkaas, sidaassi ayaanay ku hadhay. Shirkadda Libaax Construction waxaa ay soo qoratay 43942.5 qiimihii iibka umay soo dhawaan oo sidaasi ayay ku hadhay, shirkadda la yidhaaho Barwaaqo ayaa ku guuleysatay tartankii, kuna heshay 739″

Wasiirka wasaaradda beeraha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa soo dhaweeyay tartarnkan noociisu ku cusub yahay dalka ee loo qabtay shirkadaha, taasi oo uu nasiibku soo saaray shirkaddii fulin lahayd mashruucan Beer waxaanu yidhi “Waa markii ugu horreysay ee intii Somaliland jirtay tartan noocan ah oo dhanka beeraha la qabto, sannadaha soo socdda hadii Illaahey qadaro goboladda kalena kan oo kale ayaanu u qaban doonaa, ka guryaha iyo biyaha uun baa la qaban jiray, hase ahaate ka beeraha ayaa ku soo biiray, waxaanu ugu soo darnayna waxaa weeye waxaa aanu kor u qaadeynaa wax-soo-saarka wadanka, anaguna ka wasaaradd ahaan hiil iyo hooba waanu la garab taaganahay bulshada si ay wax ula soo baxaan, waxaananu rajeynaynaa in aanay jiri doonin wax dibada inooga iman doona oo raashina hadii ay jirtana in aanu yareyn doono”

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Tartankii ka dhacay halkan waxaa uu ahaa mid xor iyo xalaala, si wanaagsan ayaana loo tartamay, si wanaagsana waa loo kala helay shiraduhu hortiina ayay ka hanbalyeeyeen”

“Goboladdu aad iyo aad ayay uga cawdaan qandaraasyadda dhab ahaantii guddida qandaraasyada qaranka waxaan ku amaanaya inay gobolada geeyaan qandaraasyada, waana talaabo hore loo qaaday waxaa qandaraas aan soo gaaadhay dalka intiisa kale oo lagu qabto Hargeysa” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda biyaha jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Labadii shirkaddood ee lagaga guuleystay tartanka qandaraaska mashruuca Beer oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa ku hanbalyeeyay shirkadii ku guuleysatay waxaanay ka mid ah hadaladoodii “Labadayadda shirkadood ee laga guuleystay waxaanu hanbalyo u diraynaa shirkadii ku guuleysatay fulinta mashruucani”

“Anigu waxaan ka masuul ahaa shirkadda Libaax Constraction waxaanan odhankara waa waa cusub oo u bilaabmay gobolka Togdheer” ayuu yidhi mid ka mida masuuliyiinta shirkadda Libaax ee nasiibka u heshay fulinta mashruuca Beer.

 

Leave a Reply