Dawladda oo Go’aammo ka soo Saartay Amniga Gobolka Sool

0
262

Laascaanood (Dawan)- Guddi ka tirsan xukuumadda Somaliland oo gobolka Sool u jooga waanwaanta iyo daminta colaad laba beelood oo walaalo ah ku dhexmartay koonfurta magaalada Laascaanood, ayaa amarro la xidhiidha nabadgalyada duldhigay odayaasha labada dhinac.

Guddigan oo ay ka mid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo waxbarashada iyo guddoomiyaha golaha wakiillada oo ay weheliyaan taliyayaasha ciidammada ka tirsan iyo maamulka gobolka Sool, ayaa kulan ay magaalaada Laascaanood kula yeesheen odayaal ka tirsan labada beelood ee dirirtu dhexmartay Khamiistii waxay ku wargeliyeen waajibaad laga doonayo inay fuliyaan si nabad loo gaadho.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo faahfaahiyey amarrada la siiyey odayaasha, waxa uu yidhi, “Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 13-ka bisha September in aanay jiri karin, laguna arki karin, mamnuucna ay tahay ciidan urursan oo labada beelood ka tirsan oo jooga goobaha ay wada deganyihiin iyo goobaha ay kala degan yihiin labada beelood, haddii la arkana waxay isku dhacayaan ciidammada Somaliland, wixii khasaare ah ee ka dhashana ciidanka iyo dawladda Somaliland midna dambi kuma leh.”

“Waxaannu idinka doonaynaa subaxda Sabtida (maanta) 8-da subaxnimo in cuqaasha, waayeelka iyo oday-geed-fadhiga labada beelood ee hawshan ka qaybgali lahayd ay yimaadaan halkan (Laascaanood) oo shirka aynu ka bilowno,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay in si waafi ah loo gali doono wixii garnaq ah ee u dhexeeya labadan beelood, isla markaana lagu xukumi doono Kitaabka Alle ee Qur’aanka, “Labadiina dhinac marka la idin wadahadashiiyo cid waliba wixii ay qabto iyo waxay gar moodo way la imanaysaa, rag garta Kitaabka Ilaahay ku naqayaana wuu idinka soo horreeyaa,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, wasiirka waxbarashada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa isna tilmaamay tallaabada laga qaadi doono ciddii u hoggaansami wayda go’aamadan, waxaannu yidhi, “Reer waliba odayaasha uu leeyahay waa inay ka soo qaybgalaan shirkan, reerka odayaashiisu ka soo qaybgaliwaayo waxa loo qaadanayaa rag aan ogolayn arrinta nabadaynta, haddii ay xadhig noqonayso iyo haddii ay wax kale noqonaysana markaa ayuun baa xisaabteeda la gaadhi doonaa.”

Ugu dambayntii guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudaen Baashe Maxamed Faarax, ayaa ballanqaaday in aan cidna looga habran doonin nabadda bulshada gobolka Sool.

“Nabadda cidna laga baryimaayo, waxa kaloo aannu idiin sheegaynaa gaadhigii tikniko ah ee la arko waa la gubayaa, wixii ciidan ah ee hub sita ee la arko waa laga qaadayaa oo waa lagala wareegayaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply