Xukuumada oo Cisbitaalka Ceerigaabo ku Wareejisay Dawooyin Tayo leh

0
259

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa cisbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo ku wareejisay laba koontiinar oo dawooyin ah, taas oo la sheegay in si gaar ah loogu soo sameeyay Somaliland.

Dawooyinka lagu wareejiyay cisbitaal kaguud ee magaalada Ceeribaago ee xarunta gobolka Sanaag oo ahaa laba Koonteendhar oo dawooyin ah, ayaa munaasibad lagu wareejinayay oo ku qabsoontay xarunta cisbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo, waxaa ka qayb- galay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadaka Somaliland Dr. Xasan IsmaaciilYuusuf, wasiir ku xigeenka qorshaynta qaranka Xuseen Ibraahin Buuni, guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, maayerka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo madaxda wasaaradda horumarinta caafimaadka ee heer gobol iyo degmo ee Sanaag.

Wasiirka wasaradda horumarinta caafimaadka Dr. Xasan, ayaa sheegay in dawooyinkan ay wareejinayaan ay yihiin dawooyin gaar ah oo tayadoodu aad u wanaagsan tahay, isla markaana ay mamnuuc ka tahay in laga ganacsado oo lagu arko iyada oo suuqyada lagu iibinayo.

Waxaanu intaa ku daray wasiirku in tallaabo laga qaadi doono cidda masuuliyadda dawada leh ee lagu wareejiyay haddii ay suuqyada u gudbiso oo lagu arko iyada oo ay farmasiiyadu iibinayaan.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa muhiim ah in dawooyinkan aan loo isticmaalin musuqmaasuq, haddii aan ku arko suuqa ama farmasiiyada, qofkii masuuliyada lahaa, ayaa lagala xisaabtamayaa, waxaana ugu horraynaya isuduwaha caafimaadka ee gobolka iyo gaar ahaan agaasimaha cisbitaalka Ceerigaabo, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo la xidhiidha dambiga uu galay, waa hadday dhacdo.”

Wasiir ku xigeenka qorshaynta qaranka, ayaa isna sheegay dawooyinka ay cisbitaalka Ceerigaabo ku wareejinayaan in ay yihiin dawooyin casri ah oo si gaar ah loogu soo sameeyay Somaliland, waxaanu yidhi “Waa dawooyin tayo leh oo loo soo sameeyay Somaliland. Waxa maanta (shalay) aanu wareejinaynaa qaybtii saddexaad ee dawooyinka loogu talo galay cisbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo, waana dawooyin tayo leh oo loo soo sameeyay Somaliland”.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro iyo maayerka magaalada Ceerigaabo, ayaa dhankooda ballan qaaday in ay ilaashan doonaan dawooyinka la gaadhsiiyay, isla markaana ay ku illaalin doonaan in loogu adeego bukaanka loogu talo galay.

Guddoomiye Tiimbaro, oo arrintaasi ka hadlayay ayaa yidhi “Waxaanu ku dedaali doonnaa in aanu ilaashano dawadaa nalagu wareejiyay iyo cisbitaalkaba, waana in aynu ku xamdi noqo wixii layna soo gaadhsiiyo”.

Maaayer Ismaaciil, ayaa isaguna u mahad naqay wasiirka caafimaadka iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waan uga mahad naqayaa labadan wasiir ee na soo gaadhsiiyay dawooyinkan, waxaanan ku illaalin doonnaa in loogu adeego bukaanka ”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply