Hargaysa (Dawan): Wasiirrada wasaaradaha caddaaladda iyo diinta iyo aw qaafta Somaliland, ayaa shalay kutub iyo abaalmarino guddoonsiiyay maxaabiis ku jirta xabsiga dhexe ee Hargaysa oo bartay Qur’aanka iyo cilmiga diinta islaamka.
Kutubta la guddoonsiiyay maxaabiistaasi oo uu soo bixiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ah ah dhalinyarro sharciga khilaaftay oo muddadii ay xabsiga dhexe ku jireen la baray diinta islaamka.
Barnaamijkan diinta islaamka lagu baray maxaabiista, waxa ka qayb qaatay wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland iyo shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom, waxaana maxaabiistaas Qur’aanka la baray ay tiradoodu ahayd 135 qof.
Munaasibad loo sameeyay shahaadooyinka iyo abaalmarinaha la gudoonsiiyay maxaabiistan Qur’aanka abrtay oo lagu qabtay xabsiga dhexe ee Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay wasiirrada diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo wasiirka caddaaladda Cabdiqani Maxamuud Caateeye, taliye ku xigeenka ciidamadda asluubta sarreeye guuto Xasan Cali Cawad iyo culimaw-diin ka socday wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo masuuliyiin ka socday shirkadda Telesom oo hirgelinta barnaamijkan ka qayb qaadatay.
Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in wasaaradiisu ay ka go’an tahay sidii ay maxaabiista xabsiyadda dalka ku jirta uga dhisi lahaayeen dhinaca aqoonta diinta islaamka.
Waxaanu madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay muhiimadda uu siiyay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dhinaca diinta islaamka ee maxaabiista sharciga khilaaftay ee xabsiyadda ku jirta iyo sidoo kale cid kasta oo ka qayb qaadatay.
Waxaanu yidhi “Waan idinku hambalyaynaynaa 135 arday ee muujiyay in ay aqoontoodda kor u qaadaan, oo ay waxyaabihii hore ee ay ku jireen ama lagu soo xidhay ay iska bedelaan, oo wanaag ay ku bedelaan.
Waxaan u mahad celinayaa cid kastoo ka soo qayb qaadatay barnaamijkan oo ay ugu horayso wasaaradda diinta iyo awqaaftu iyo shaqaalaha culimadda ah iyo shirkadda Teleson ba.
Wanaagaa ay qabteen ee ay ku horumarinayaan maxaabiista kala duwan ee xabsiyadda dalka ku kala jirta iyo madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ee gartay in uu mar walba ilaaliyo maxaabiista.
Mar uu afur u sameeyo iyo mar uu kutubtii iyo hadyadihii ugu waaweynaa ugu deeqaba, in aad noqoteen dufcadii ugu horaysay ee qaadata, kitaab uu madaxweynuhu sadaqaystay”.
Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqafta sheekh Khaliil C/laahi Axmed, ayaa isna wax lagu farxo ku tilmaamay ardayda maxaabiista ah ee waxbarashadda diiniga ah dhamaystay. “Aad ayaan ugu faraxsanahay xafladan sharafta mudan ee aynu abaalmarinaha ku gudoonsiinayno dufcadii ama waxbarashadii saddexaad ee aanu ku qabano xabsiga dhexe ee Hargaysa.
Taasoo maxaabiista ardayda ah looga faa’iideeyo culuumta diiniga ah, iyadoo guud ahaanba cilmigu uu sharaf leeyahay”ayuu yidhi wasiir Khaliil.
Sidoo kale taliye ku xigeenka ciidamadda asluubta sareeye guuto Xasan Cali Cawad, oo munaasibadaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in siyaasadda xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ay tahay in maxaabiista sharciga khilaafta la barro diinta islaamka iyo sunihii nebi Muxamed SCW, si ay iyagoo aqoon u leh diinta islaamka bulshadda dib ugu noqdaan.
sareeye guuto Xasan Cali Cawad, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anagoo fulinayna siyaasadda xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ee ahayd in maxaabiista sharciga khilaafta dhaqan celin la barro, farsamooyin la barro, diinta islaamka iyo sunihii nebi Muxamed SCW la barro, oo iyagoo ah dad iimaan leh ah ay ummada ku soo noqdaan.
Qofku sharciga wuu khilaafi karaa, haddii uu khilaafana wuu ka toobad keeni karaa wixii hore, waxna wuu baran karaa. Siyaasadaas anagoo fulinayna, tan iyo maalintii aanu xilka qabanay, ee uu madaxweynuhu noo magacaabay.
Waxaanu xabsigan Hargaysa iyo xabsiyadda kale ee wadanka ka wadnay, wacyigelin iyo waxbarasho ay ugu badan tahay diinta islaamku”.
Taliyaha xabsiga dhexe ee Hargaysa gaashaanle sare Cumar Jaamac Cumar, oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ardayda maxaabiista ah ee bartay diinta islaamka ay noqonayaan dufcadii 3aad.
Dawannews Hargeysa office





















