Hargeysa (Dawan):- Dawladda Somaliland, ayaa ka qayb gashay shirka maalgashiga tamarta Afrika oo ka qabsoomay dalka Shiinaha, shirkaasi oo ah mid caalami ah oo ay qaarada Afrika iyo Shiinuhu iskaga kaashanayaan dhanka maalgashiga tamarta.
Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa diirada lagu saaray sidii iskaashi dhinaca Tamarta ahi u dhex mari laha qaraadka Afrika iyo dawladda Shiinaha.
Muddada uu shirku socoday waxa lagu soo bandhigay fursadaha dihin ee yaalla qaaradda Afrika ee u baahan maalgalinta dawladda Shiinaha oo ay Somaliland ka mid tahay.
Dhinaca Somaliland shirkaasi waxa uga qaybgalay safiirka Somaliland u jooga dalka Shiinaha iyo saraakiil sar sare oo katirsan wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamia ah oo si faah faahsan uga war bixiyay fursadaha maal gashi ee Somaliland ka bannaan iyo khayraadka dihin ee dalku qaniga ku yahay iyo sida loogu baahan yahay in dalka Shiinuhu uu maalgashi dhinacyo badan ah ku sameeyo Somaliland gaar ahaan Tamarta oo shirka ujeedadisu ahayd.
Shiinaha ayaa taageeray awoodda Africa ee dhismaha tamarta, waxayna siinayaan tababar khibrad u leh shaqaalaha hay’adaha maamulka, mac’hadyada cilmi-baadhista iyo shirkadaha muhiimka ah si loo hagaajiyo kartida Afrika ee horumarinta iyo maamulida nidaamyadooda tamarta Afrika .
Muddadii uu shirku socoday ayey safaraadda Somaliland ee dalka shiinaha ku soo bandhigtey warbixin la xiidhiida kaalinta ay Somaliland qaadan karto iskaashiga afirka iyo shiinaha ee dhinaca maalgalinta waxay tilmaameen inay Somaliland leedahay kheyraad dihin oo dhinaca macdanta, xoolaha kaluumaysiga dalxiiska beeraha warshadaha kuwaasi oo fursad u ah dhinaca shaqo abuurka dalka oo keeni kara kor u kac dhaqaale oo dalka u soo kordha.
Somaliland waxay ku taalla juqraafi ahaan meel ku wanaagsan ka faa’iidaysiga maalgashiga shiinaha .
Shirkan ayaa loogu magac daray China Africa Green Energy Cooperation Opportunity Forum, waxaana ka soo qaybgalay 25 dal safiiradood oo ka socoday qaraadda afrika oo ay Somaliland ku jirto ku xigeenka duqa caasimadda dalka shiinaha Bayjiin iyo danayeyaaal dhinaca maalgashiga.
Shiinaha iyo Afrika waxay xoojin doonaan wadahadalka siyaasadeed iyo is-weydaarsiga farsamada ee ku saabsan tamarta iyo ilaha dhaqaalaha, isku duba ridka istiraatiijiyadaha tamarta iyo kheyraadka kale, samaynta cilmi-baadhis wadajir ah, oo sameeya qorshayaasha horumarinta tamarta ee laga shaqeynayo xaaladaha degaanka.
Labada dhinac waxay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa Xarunta Iskaashiga Shidaalka ee Shiinaha iyo Afrika si loo sii hormariyo is-weydaarsiga tamarta iyo iskaashiga dhaqaalaha .
Afrika shiinaha waxa ka dhexeeyaa iskaashi dhaqaale oo sii xoogaysanayey sannadihii u dambeyey.
Dhinaca kale Somaliland ayaa diyaar u ah in ay xidhiidh wanaagsan la yeelato shiinaha isla markaana ay gacan wayn ka geysato isku xidhka shiinaha iyo afrika iyadoo shirkaana ku soo bandhigtay marinkaay ku taallo iyo fursadaha maalgashi iyo xidhiidh ee dalku leeyahay. .
Dawannews Hargeysa office





















