Hargeysa (Dawan)- Xildhibaannada guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay lacagta lixdanka dollar ah ee tacriifadda summada cusub ee gaadiidka.
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilladda ayaa sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo ay ku qabteen gudaha magaalada Hargeysa, waxaanay madaxweynaha Somaliland , mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baaqeen in uu joojiyo labada digreeto ee uu wasiirka maaliyadu u soo gudbiyey xafiiskiisa , kuwaasi oo ay ku sheegeen in ay khilaafsan yihiin sharciga iyo dastuurka dalka u yaala.
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlayay ayaa madaxweynaha qaranka ugu baaqay in uu dib u eegis ku sameeyo labada wareegto ee uu soo saaray wasiirka maaliyadda Somailand, kuwaasi oo la kala xidhiidha gaadiidka iyo warshadaha, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in aan waafaqsaneyn shuruucda iyo nidaamka dalka.
Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa isna si adag uga hadlay lacagta 600,000 ee loogu talo galay in lagu bedelo summadda gadiidka waxaanu yidhi “Summadda gadiidka ee wasaarka maaliyadu kordhiyey waa sharci darro, xaqna uma laha, haddii tacfriifad la kordhinaayo golaha wakiillada ayaa xaq u leh inay kordhiyaan.”
Dawannews Hargeysa office



















