Ha’yadda Wadooyinka oo Bilowday Qorshaha Xog Ururinta Jidadka Dalka

0
401

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda horumarinta waddooyinka Somalilanmd, ayaa lixda gobol ee dalka u kala dirtay kooxo aqoonyahanno ah oo soo darsaaya xaaladda ay ku sugan yihiin Jidadka waaweeyn ee Somaliland, haday tahay laami ama carro-tuul oo muddo sideed iyo toban sanno ah aan laga war helin .

Eng. Cabdillaahi Cabdicasiis Cali, ayaa warbaahinta uga warbixiyey sababta xilligan ku soo beegtay in ay khabiirro u diraan xaalada ay ku sugan yihiin wadooyinka waaweyn ee dalka, degmo iyo tuulo , isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waddooyinka Somaliland oo aan in badan laga qaadin macluumad, sannadkii 2000-kii ayaa ugu danbaysay warbixin laga keeno xaaladaha ay ku sugan yihiin waddooyinku, haday yihiin kuwa laamiga ah ama carro tuulka.

Macluumadka la baadi-goobayaa waxa weeye in la helo waddooyinka laamiga ah, ama aan laamiga ahayn xaalada ay ku sugan yihiin. Marka arrintaas la helo waxa lagala soo baxayaa wixii la qaban lahaa ee qorshe noqon lahaa.”

Mareeyaha waddooyinka Somaliland, Cismaan Cabdi Muxumed ayaa isaguna ka hadlay muhiimadda ay leeyihiin kooxahan loo kala diraayo gobolada dalka, waxaanu yidhi “Xog in la helo ayaa muhiim ah. Waxa halkan ka baxaya lix kooxood, waxa ay u baxayaan lixdii gobol ee waaweyn ee dalka. Lixda baabuur ee hawsha fulinaya si caddaalad ah ayaanu ugu qaybinay gobolada oo mid walba waxaanu ka keenay gobolkiisa.

Hawl-wadeenada arrintan fulinaya, waxa aan ku dardaarayaa in ay waajibkooda si fiican uga soo baxaan, Illahayna inagu asturo, isla markaana hawshan aad fulinaysaan aynu kahelno jawaab fiican oo mustaqbalka horumarka waddooyinkeena wax ku tara.”

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here