Canada (Dawan)- Warbixin ay daabacday warbaahinta BNN Bloomberg ee saldhigeedu yahay dalka Canada, ayaa lagu sheegay in shirkadda cabitaannada sameysa ee Coca Cola, ay waddo qorshe ay ku tijaabinayso in ay sharaabadeeda ku darto maadada daroogada ah ee Xashiishadda. Iyada oo shirkadda Coca Cola hore loogu yaqaannay sameynta cabitaanno ay ku jiraan maaddada Caffeine-ta, Sida ay iftiimisay warbixintaasi.
Shirkaddan wayn ee cabitaannada sameysa ee Coca-Cola ayaa waxa ay wada-hadal kula jirtaa shirkadda maxalliga ah ee soo saarta xashiishadda ee Aurora Cannabis, si ay u sameeyaan cabitaan Xashiishad lagu daray.
Cabitaankaasi ayaa la sheegay in aan loogu talo-gelin in macaamiisha shirkaddu ay ku sarkhaamaan, haseyeeshee waxaa looga golleeyahay in uu xannuunka ka baabi’iyo.
Shirkadda ayaa waxa ay diidday inay arrintaasi ka hadasho, balse waxa ay sheegtay in ay si dhaw ula socoto suuqa cabitaannada xashiishadda.
“Sida shirkadaha kale ee ka shaqeeya cabitaannada, waxaannu si dhow ula soconnaa kobaca cabitaannada lagu daro xashiishadda, gaar ahaan maadada Cannabidiol-ka, kuwaas oo qeyb ka ah cabitaannada caafimaadka loo cabo ee dunida laga isticmaalo,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay shirkadda Coca-Cola.
Maadada Cannabidiol-ka asal ahaan waa xashiishad, waxa ay gacan ka gaysataa jebinta xannuunka iyo caabuqyada ku dhaca bini’aadamka, haseyeeshee ma lahan wax saameyn ah oo ay qofka ku reebayso.
Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalka Canada uu isu diyaarinayo inuu raaco dhabbihii ay mareen qaar ka mid ah gobollada Mareykanka kuwaas oo sharciyeeyay in xashiishadda madadaalo ahaan loo isticmaali karo, kaddib sannado dawo ahaan loo isticmaalayay.
Tallaabadaasna waxa ay horseedday in ay aad u bataan shirkadaha arrimahaas ka shaqeeya iyagoo weliba soo jiitay shirkado waa weyn oo maalgeliya.





















