Cisbitaalka Burco oo 73 Sanno ka Dib la Gaadhsiiyey Mashiinka Kelyaha Sifeeya

0
248

Burco (Dawan)- Cisbitaalka guud ee magaalada Burco ayaa laga daahfuray mashiinada sifeynta kelyaha oo uu ugu deeqay muwaadin reer Somaliland ah oo qurbaha jooga .

Munaasibada furitaanka mashiinada ayaa waxa kasoo qaybgalay, Wasiirka wasaaradda caafimaadka, guddoomiyaha gobolka togdheer, ehelada muwaadinka mashiinada ugu deeqay cisbitaalka burco iyo masuliyiinta cisbitaalka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimada uu leeyahay mashiinka lagu talo galay sifeynta kelyaha iyo baahida loo qabay isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu ydihi “waxa aynu nasiib u yeelanay in ay burco maanta ka furno qaybtii sifaynta kelyaha oo muddo badan hargeysa loo tagi jiray , gobolada barina dhibaato ku qabeen . waa qalab qaaliya oo ubaahan in si joogto ah gacanta loogu hayo, dad gaar u tababaran u baahan, aad waxan ugu mahadcelinyaa sheekh Maxamuud iyo masuuliyinta kale ee reer bargaham”

Dr Cabdi Yaasiin ayaa oo ka mid masuuliyinta Cisbitaalka Burco ayaa u mahadnaqay Sheekh Maxamuud oo qalabka ugu deeqay , isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “waxa aad u mahad celinayaa ninka walaalkay ee ku soo tabaruucay mashiinadan oo ah Sheekh Maxamuud oo qurbo joog ah, laba mashiin oo horena ugu tabarucay Hargeysa 2015 kii.”

Mashiinada la gaadhsiiyey ayaa noqonaya markii ugu horaysa ee Cisbitaalka maagalada burco la gaadhsiyo muddo 73 sanno ah oo cisbitaalkaasi jiray , waxaana meesha ka baxaysa baahidii Caafimaad ee ay bulshada gobolada bari u imaan jireen Cisbitaalka Hargeysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply