Hargaysa (Dawan)- Ururka wershadleyda Somaliland ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku boggaadiyay sida tixgelinta leh ee uu uga garaabay cabashadoodii la xidhiidhay wareegtadii madaxweynuhu ku joojiyay cashuur dhaafkii loo samayn jiray iyo qaabkii hore ee cashuuraha looga qaadi jiray.
Waxaanay sheegeen in madaxweynuhu u muujiyay sida uu ugu heelan yahay dhiirigelinta wax soo saarka dalka iyo in mudnaanta koowaad uu siinayo horumarinta wershadaha.
Wershadleyda ayaa hore uga cawday wareegtadii uu madaxweynuhu soo saaray 28-kii bishii hore, taas oo nuxurkeedu ahaa in la joojiyay cashuur dhaafkii loo samayn jiray wershadaha dalka.
Kadib markii uu madaxweyne Biixi dorraad qasriga madaxtooyadda ku qaabilay guddiga ururka wershadleyda dalka, si uu tabashadooda iyo waxay ka biyo diideen la iskula eego. Kulankaasi oo ay iskula af-garteen in hoos loo eego waxyaabaha ay dhibsadeen.
Shir jaraa’id oo ay shalay si wada jir ah xarunta rugta ganacsiga Somaliland ee magaaladda Hargaysa ugu qabteen guddiga ururka wershadleyda iyo madaxda rugta ganacsiga Somaliland, waxay madaxweynaha uga mahad celiyeen sida miisaanka leh ee uu u qaabilay, cabashadood-na uga garaabay.
Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, oo shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in madaxweynuhu ka garaabay cabashadii wershadleyda, isaga oo taas ka jawaabayana uu dorraad xafiiskiisa ku qaabilay. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, cabashadii ay wershadleydu kaga cawdeen digreetadii uu soo saaray 28-kii bishii hore ee ku saabsanayd cashuuraha iyo dhiiri gelinta wershadaha.
Markii warka cabashadda wershadleydu gaadhay madaxweynaha, si mug leh ayuu noo qaabiley, oo noo soo dhaweeyay. Isaga oo si qalbi furan oo dood wanaag leh nagu qaabiley.”
Jamaal Caydiid, isaga oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waannu uga mahad celinaynaa madaxweynaha sida uu u tixgeliyay ganacsatadda dalka iyo dhiirigelinta wershadaha. Waanu nooga garaabay cabashadayadii.
Madaxweynuhu wuxuu u heellan yahay in uu mudnaanta koowaad siiyo wax soo saarka dalka. Aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa madaxweynaha mar labaad iyo mar saddexaad ba. Anaguna wixii la naga rabay, ee nalagu xidhay, waannu fulinaynaa”.
Geesta kale, guddoomiyaha guddiga ururka wershadleyda Maxamed Sheekh Cumar, ayaa madaxweynaha uga mahad celiyay soo dhaweyntii iyo qaabillaadii uu qasriga madaxtooyadda ugu sameeyay. Isaga oo xusay in waxyaabaha aan weli lagu heshiinin loo saaray guddi xalisa. Waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca guddiga wershadleyda, madaxweynaha shalay (dorraad) dood dheer ayaanu yeelanay, waanan isla af-garanay wixii aanu ka doodnay. guulna way ku dhamaatay wixii aanu ka wadahadlaynay.
Inta noo dhiman waa wax yar. Waxaana loo saaray guddi. Aad iyo aad ayaanu madaxweynaha ugu mahad naqaynaa, sida fiican ee uu noo soo dhaweeyay. Tixgelin fiicanna wuu na siiyay”.




















