Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranka oo Isla Meel Dhigay Qabyotiro Arrimaha Doorashooyinka

0
700

Hargeysa Dawan)- Shir ballaadhan oo ay wada yeesheen xukuumadda Somaliland iyo axsaabta qaranka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la iskula gartay in wada-jir iyo isku duubni looga wada shaqeeyo sidii meesha looga saari lahaa hubsiimo la’aanta ka jirta in ay doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoomaan waqtigii loo asteeyey, iyaga oo sidoo kalena isla gartay in xukuumadda iyo axsaabta qaranku talo ay u wada dhan yihiin ka yeeshaan arrimaha kale ee mandaqadda iyo dalkaba ku soo kordhay.

Shirkan oo uu guddoominayey madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), saraakiisha ugu sarraysa xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE iyo xubno wasiirr ah, sidoo kale waxa lagu cambaareeyey gardarrada iyo daan-daansiga ay dawladda Soomaaliya ka waddo xuduudaha gobolka Sanaag, waxana ay caddeeyeen in ay qaran ahaan isku-duubni ku difaacayaan dalka Somaliland.

Ugu horrayn guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, oo hadal ka jeediyay hadhimo-sharafeed madaxweynaha qaranku u sameeyey hogggaanka axsaabta qaranka, shirkaasi kaddib, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda ay leedahay in ay bulshada reer Somaliland isku duubni iyo wada-tashi kaga gudubto wax kasta oo ka hor yimaadda, waxana uu hoosta ka xarriiqay in caqabad kasta oo timaadda wada jir lagaga bixi karo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Dalkeenna wada-jir baynnu ku dhisnay, waxana aan aaminsanahay in aynu ka gudbi karno wax kasta oo inaga hor yimaadda, si aynu wada-jirkaas ugu guulaysannana waxa uu xilku saaran yahay kolba qofka hoggaanka haya, inagana waxa uu xil inaga saaran yahay in aynu gacan ku siinno, xalkeedana waa la helayaa, haddii dadku isku tashado oo gacmaha is qabsado oo uu is aaminona wax waliba way fududaanayaan.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey in hoggaanka axsaabta qaranka iyo madaxweynuhu isla garteen in ay wada-jir iyo wada-tashi ku wajahanaan dhammaystirka qabyo kasta oo ku jirta qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo dawladaha hoose oo horraanta sannadka soo socda ee 2019-ka qorshaysan in ay dalka ka qabsoonto, isla markaan talo loo wada dhan yahay lagu wajaho arrimaha mandaqadda iyo dalkaba ka soo kordha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here