Xildhibaanno ka Tirsan Guurtidda oo Naqdiyay Mudaneyaal Difaacay Xeerka Kufsiga

0
233

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaanno ka tirsan golaha guurtida jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si wen u naqdiyay mudaneyaal ka tirsan golaha wakiillada oo difaacay sharcinimada xeerka kufsiga iyo sinjiga.

Xildhilaanada guurtida, ayaa ku dooday in mudaneyaasha golaha wakiillada ee xeerka kufsiga difaacay in ay ahaayeen kuwo xambaarsan fikir reer galbeed, waxaanay intaa raaciyeen in xeerka kufsiga qodobo ka mid ahi ay ka hor imanayaan shareecada islaamka, isla markaana la isla qaatay in dib u eegis iyo wax ka bedel lagu sameeyo xeerkaas.

Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo iyo xildhibaan Dayib Xasan Boobe oo shalay si wada jir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa soo bandhigay qodobo ku jira xeerka oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo, lana waafajiyo shareecada Islaamka.

Xildhibaan Dayib oo hadalka ku horreeyay, ayaa yidhi. “Qodobka 4aad, faqradiisa labaad, waxa ku qoran faldambiyeedka kufsiga, isticmaalka xoog galmo aan sharci ahayn oo aan ogolayn raali ahaan shaha sinada, markaa waxa ay leeyihiin labadii iskala raaliya way u fasaxan yihiin Sinada, laakiin ninka xoog ku kufsada gabadha ayaa la qabsanayaa.

Diinta islaamku waxay sheegtay in shan iyo toban jir lagu qaan gaadhayo, xeerkan qodobkiisa 9aad waxa uu sheegayaa qof kasta oo ku xadgudba shuruudaha sharci ee ogolaanshaha ama ka raalli ahaanshaha guurka ee sharciga shareecada islaamka. waxaanay leeyihiin nin khamri cabbaya inanta wuu guursan karaa, qodobka 17aad waxa uu sheegayaa ma jirto xilli u xadidan soo gudbinta kiiska dacwada ama cabashada dhacdada faldambiyeedka kufsiga, qodobka 35 waxa uu leeyahay fududaynta ciqaabta ee daystaha qof carruur ah oo da’diisu tahay 15 illaa 18 ha laga fududeeyo ayay leeyihiin, waana xooggii dhallinyarada. Waana inta kufsiga samaysa.”

Xildhibaan Siciid Libaaxo oo isna ka hadlayay sida la isula gartay in xeerka dib loogu noqdo oo shareecada Islaamka la waafajiyo, ayaa yidhi. “Xeerkan Kufsiga golaha wakiiladu way ku ceebaysanyihiin.

Xildhibaanadii golaha wakiilada ee ka hadlayay arrintani waxay difaacayeen xeer ay culimadu ka hadashay, waanay kala duwan yihiin markay reer galbeedku qeexayaan Kufsiga iyo marka diinteena islaamka lagu qeexayo, qoladii dabada ka riixayay xeerkan waanu isku afgaranay in xeerkan Kufsiga shareecada islaamka iyo dhaqanka la waafajiyo. Xildhibaanadaasi waxay ku hadlayeen afkii reer galbeedka.”

 

Leave a Reply