Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Warbixin Siiyay Guddidayadda Arrimaha Dibadda Baarlamaanka

0
257

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shalay warbixin siiyay guddiyada arrimaha dibedda ee wakiilada iyo guurtida oo uu shalay hor tegay.

Kulanka ay wada yeesheen wasiirka iyo labda guddi arrimo dibadeed, ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta wada jir ula hadlay wasiirka iyo labada guddoomiye guddi.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibedda ee golaha guurtidda mudane Cabdilqaadir Maxamed Xasan (Indho Indho) oo ka hadlay kulanka ay la yeesheen wasiir Sacad, ayaa yidhi. “Kulankayagu waxa uu ahaa in labadii guddi ee arrimaha dibedda baarlamaanku aanu mar la wada kulano, isbedeladda ku yimi geeska iyo mandaqadaba iyo wada shaqeyntayadu sidii ay sidii hore uga wanaagsanaan laheyd, waana shaqooyinkii caadiga ahaa ee golayaasha iyo wasaaraddu iska wareysan jireen, sidii aanu u wada shaqeyn laheyn ee aanu waddanka ugu wada shaqeyn laheyn, ayaanu iska waraysanaynay, wasiirka iyo inta la socotayba way mahadsan yihiin.”

Gudoomiyaha gudida arrimaha dibedda ee golaha wakiiladda mudane Axmed Cabdi Kijaandhe, oo isna kulanka ka hadlay, ayaa yidhi “Waxaanu isugu nimi annaga iyo masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland hawlihii taxanaha ahaa ee wasaaradda arrimaha dibedda, ayaanu iska wareysaneynay, si wanaagsan ayaanan u wada hadalnay, war wanaagsanna way na siiyeen, arrimaha gobolka ku soo cusboonaaday ayaanu ka wada hadalnay sidoo kale, xaalada waddanku halka ay mareyso iyo shir caalamiya oo la qaban doono bishan oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibedda, waxaa kale oo aanu ka arrinsaney sidii dib loogu soo celin lahaa wada shaqeyn tayadii”

Wasiirka Sacad oo isna ka hadlay kulanka ay wada yeesheen labada guddi hoosaad ee baarlamaanka Somaliland, ayaa yidhi “Shirkani waxa uu ka mid yahay shirarkii taxanaha ahaa ee aanu awalba isugu iman jirnay, nuxurkiisuna waxaa uu ahaa in aan xogta kala qaadano, waxaanan ka wada hadalnay arrimaha geeska ka socda, saameynta ay innagu yeelan karaan iyo waxa inooga meel yaalla, iyo qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland oo ah mid xilkeedu inna wada saaran yahay.

Xilka ugu weyn ee wasaaraddu heysaana waa aqoonsi raadinta Somaliland, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliyana muddo ayay soo socdeen, maney midha dhalin, hase ahaate sidaasi kaga hadhi meyno.”

Leave a Reply