Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo Toogasho Suldaan reer Somaliland ah

0
247

Badhan (Dawan):- ALLE ha u naxariistee waxaa toogasho ciidanka illaalada madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ay ku dileen Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ah madax dhaqameedka reer Somaliland.

Suldaanka ayay ciidanka illaalada madaxweynaha Puntland ku toogteen duleedka magaalada Badhan oo ay bar kaantarool ka samaysteen markii uu socdaal gardaro ah uu Cabdi Wali Gaas ku yimi deegaankaas.

ALLE ha u naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil oo kamid ahaa madaxdhaqameedka waawayn ee bariga Somaliland, ayaa ka amba baxay magaalada Hadaaftimo, isaga oo ku sii jeeday magaalada Badhan oo uu Suldaanku u tegayay arrimo dhaqan iyo in uu bulshada kala hadlo in ay ka fogaadaan dhibaatooyinka Cabdi Wali Gaas ka soo raray Garoowe ee uu ku doonayo in uu ku dhibaateeyo dadka reer Somaliland ee gobolkaBadhan.

Laakiin Suldaanku intaanu gaadhin gudaha magaalada Badhan waxaa duleedka magaalada ku toogtay ciidanka illaalada Cabdiwali Gaas oo bar kaantarool ka samaystay duleedka Badhan.

Waxaanay wararku intaa ku darayaan in ciidanka Puntland ee dilka Suldaanka geystay ay ogaayeen in suldaanku soo socdo isla markaana madaxda Puntland ay ka cabsi qabeen in uu bulshada ku kiciyo taasina ay keentay in ciidanka Madaxtooyada ee gaarka u ah Cabdiwali Gaas in ay Suldaanka toogasho ku dilaan.

Waxa kale oo dilka Suldaanka in uu ahaa shirqool Cabdiwali ka dambeeyo sii xoojiyay markii ciidankii dilka suldaanka geystay aan wax tallaabo ah laga qaadin ee ay wali ammaanka Cabdiwali sugayaan, dhagar qabeyaasha Suldaanka dilay.

Tallaabadan ayaa ka mid noqonaysa duullaanka gardarada ah ee dawladda Muqdisho iyo Puntalnd oo is garabsanayaa ay ku soo qaadeen Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply