Xukuumadda oo Ballan Qaadday Horumarinta Ciyaaraha iyo Kobcinta Dhallinyarada

0
282

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ballan qaadday horumarinta ciyaaraha kala duwan iyo kobcinta dhallinyarada Somaliland, isla markaana caddaysay in qorshaha sanadka cusub lagu dari doono in dalka laga qabto tartanno ciyaareed oo kala duwan oo ka kooban dhammaan noocyada ciyaaraha fudud ee dalka Somaliland laga ciyaaro.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa soo gunaanaday tartankii horyaalka kubbadda cagta oo ka socday garoonka kubadda cagta ee Hargeysa stadium.

Mudane Saylici oo markii tartanku dhammaaday hadal kooban ka jeediyay xafladdii guddoonsiinta koobka kooxdii guusha hanatay, ayaa sheegay tartamada noocaas oo kale ah ay dalka ka libaabayaan isla markaana ay qorshaha ku darayaan in dalka laga qabto dhammaan tartamada ciyaaraha kala duwan. Madaxweyne ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan runtii aad iyo aad u bogaadinayaa wasaaradda ciyaaraha, xidhiidhka kubadda cagta iyo dhammaan intii ka qayb qaadatay oo ay ka mid yihiin shirkadda TELESOM iyo HCTV. Waxaanay qabteen waajib weyn oo dhallinayarada ka jeedinaya dhibaatooyinka ay dalkeenna ku hayaan balwadaha qaadka iyo tahriibku ,waxaana loo baahan yahay in dhammaan xukuumad iyo shicibba aynu gacmaha is qabsano oo aynu wada jir u wada hir gelino mar haddii aynu aragnay sharafta iyo quruxda ay leedahay.”

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray. “in aanu halkaa ka sii xoojino diyaar ayaan u nahay maadaama tartankani yahay kii ugu horreeyay ee la qabto intii xukuumadda KULMIYE dib loo soo doortay waxaanan ballan qaadaynaa in qorshaha sannadka cusub aanu ku darno in dalka laga qabto dhammaan tartamada kala duwan ee ciyaaraha fudud hadday tahay kubadda cagta,kolayga iyo noocyada ciyaaraha fudud oo dhan illaa orodada. Wuxuu dal waliba ku horumaraa marka uu haysto dhallinayaro caafimaad qabta oo xoog ah oo dhisan,waxaanan ognahay in ciyaaraha kala duwani ay ka qayb qaataan in isku xidhnaanta dhallinayarada iyo bulshaduba in ay kor u kacdo oo dadku is dhex galaan waxaanay ciyaaruhu dawo ka yihiin qabyaaladda,balwadaha iyo aafada tahriibka ka xukuumad ahaanna way naga go’an tahay in qorshaha sanadka cusub ay ku jiraan horumarinta dhallinyarada iyo ciyaaruhu.”

Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil intaa ka dibna waxaa uu guddoonsiiyay koobkii tartanka loo qabtay kooxda dawladda hoose ee Hargesya oo ku guulaysatay kagana adkaatay kooxda ciidanka asluubta 1-0.

Tartankan oo ay ka qayb galeen galeen 29 kooxood oo kubbadda cagta ah oo ka kala socday kooxaha heerarka 1-2 iyo 3-aad ayaa socday muddo laba bilood iyo dheeraad ah waxaana soo qaban qaabiyay xidhiidhka kubadda cagta Somaliland waxaana maal geliyay shirkadda TELESOM iyo HCT.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply