“Maalgashadayaashu Waxay ka Faa’iidi Doonaan Iskaashiga Somaliland iyo Kenya” Warbixin: Daily Nation

0
258

Nairobi (Dawan)- Dowladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa dedaal ugu jirta inay iskaashi ganacsi iyo maalgashi la yeelato dalka Kenya, maadaama oo ay labada dal ka wada shaqeeyaan dhinaca ammaanka mandaqada geeska Afrika.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa baahisay warbixin ay ka soo xigatay khamiistii Wargeyska caanka ah ee Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi, oo ka hadlay fursado maalgashi oo ay yeelanayaan waddamada Somaliland iyo Kenya. Waxa kaloo warbixintaas lagu soo qaaday shaqada safiirka cusub ee Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar, warka Daily Nation wuxuu u qornaa sidan:

“Fursado maalgashi ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo cilaaqaadka siyaasadda dibadda ee Somaliland iyo Kenya. Danjiraha Somaliland ee Kenya, Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in dalkiisu uu raadinayo inuu iskaashi toos ah la yeesho Kenya.

“Iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Kenya wuxuu noqon doonaa mid ku wajahan ganacsiga labada dal oo soo koraya. Waxa kaloo aanu ka wada shaqeyn doonaa ammaanka gobolka,” ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee Kenya.

Waxa kale oo uu tilmaamay in uu la kulmi doono masuuliyiinta dowladda Kenya, si ay uga wada hadlaan iskaashiga labada dhinac.

Safiir Baashe Cawil waxa uu sheegay in Somaliland iyo Kenya ay ka wada shaqeyn jireen dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah, waxaanu ku dooday in loo baahan yahay in cilaaqaad ballaadhan labada waddan yeeshaan, gaar ahaan Ganacsiga Beeraha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Safiirka Somaliland ee Kenya wuxuu iftiimiyey in qodobbada ay iska kaashanayaan labada dal ay ka mid noqon doonto sidii loo fududayn lahaa muwaadiniinta labada waddan si sahlan ugu socdaali karaan Somaliland iyo Kenyaba.

Wargeyska Daily Nation wuxuu sheegay inay Kenya ku nool yihiin illaa 18 kun oo reer Somaliland ah, waxaanu warsiduhu ku ammaanay Somaliland dimuqraadiyad iyo xasiloonida buuxda ee ka jirta waddanka.

Daily Nation wuxuu sheegay in Safiir Baashe uu hore u ahaa Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta isla markaasna uu kaalin ku lahaa heshiiskii maalgashi ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo shirkadda DP World ee la xidhiidhay casriyeynta marsadda Berbera.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply