Badhasaabka Sanaag oo Faahfaahiyay Hawl Gal lugu Fuliyay Koox Shufto ah

0
259

Ceerigaabo (Dawan): Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa faahfaahin ka bixiyay hawl gal Sabtidii dorraad ciidamadda qaranka gobolkaasi ku soo furteen baabuur Unbalance ah oo koox hore ciidamadda uga falaagoobay ay ku haysteen degaanka loo yaqaano Haldhaagan.

Waxaanu sheegay in marar badan ay isku deyeen in kooxdaasi ay baabuurka Unbalance-ka ah si naabada ku soo wareejiyaan, isla markaana ay dhawr jeer u direen ergo odayaal iyo dadka degaanka ah. Hase yeeshee markii ay ka dhego adaygeen ergooyinkaas ay lagama maar-maan noqotay in tallaabo ciidan la qaado kooxdaas.

Isaga oo intaas ku daray in aanay ciidamadda u suurto gelin in ay gacanta ku dhigaan kooxdaas oo markii weerarka lagu qaaday u baxsaday buuralayda dhinaca woqooyi kaga beegan magaaladda Ceerigaabo. Iyada oo hawl galkaas aanu wax khasaare ah ka dhalan.

Baabuurkan Unbalance-ka ah oo 24-kii bishii August laga af-duubtay degmadda Xiis ee gobolka Sanaag, ayaa mudadaas waxaa gacanta ku hayay kooxdan dablayda ah.

Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN isagoo ka warbixinayay sida hawl galkaasi u dhacay waxa uu yidhi “Qolo ciidamadda qaranka ka falaagoobay oo Kornayl Caare ayaanu ka nimid tidhi ee degaanka Haldhaagan joogtay, markii hore waxaanu u haysanay in ay yihiin niman waan-waan doon ah, oo muddo ayaanu odayaal iyo dadka degaanka u diraynay, oo aanu is lahayn bal horta xaaladda wanaag ku dhameeya.

Laakiin way garan waayeen. Markaa qasab waxaa noqotay in tallaabo ciidan la qaado. Tallaabadaas oo ciidanka qaranku gaadhigaa Unbalance-ka ah ee ergadda lagu keeni waayay ay soo qabtaan. Waanay soo qabteen. Nimankii watayna way ka yaaceen, oo buurta ayay galeen”.

“Wax khasaare ah oo iyaga gaadhay iyo wax ciidanka qaranka soo gaadhay midnaba lama soo sheegin, wax dhibaato ahi hawl galkaa kama dhicin. Dadku waa isla wada dadkeenii oo in ay wax dhintaan dooni mayno. Laakiin se in ay dawladu wax qaban karayso oo ay tallaabo qaadi karayso, in aanu tusno ayuunbaanu doonaynay.

Nimankaas shuftadda ahi buurta ayay galeen baa la yidhi, niman badana ma aha, oo waa ilaa dhawr iyo toban nin. Wax dhibaato ah oo kale-na ma jirto. Nabadgelyadu na aad ayay isaga wanaagsan tahay. Magaalada na, waxaanu u joognaa dawladda ayaanu ka wakiil nahay, cidii aan dawladda la shaqaynaynin, ee aan shaqadda sidaanu nidhaando u qabta u qaban wayda, aniga ayaa idhi waxay ku khasban yihiin in ay alaabtoodda iska laab-laabtaan, oo ay iska tagaan”.

Tiimbaro oo aanu waydiinay in ay u qorshaysan tahay in ay kaga daba tagaan buuralayda ay u baxsadeen raggaas shuftadda ah, waxa uu ku jawaabay “Kolay anaga wanaagu naga dhamaan maayo. Mar walba dhanka wanaaga ayaanu taagan nahay, xagga xun oo wax laga eegaa cidna waxba uma soo kordhiyo. Iyagana ILLAAHAY SCW ha soo hadeeyo ayaanu leenahay”ayuu yidhi badhasaabka Sanaag.

Geesta kale Maxamed Axmed Caalin, oo ka warbixinayay guud ahaanba xaaladda nabadgelyo ee gobolka Sanaag gaar ahaana ta magaaladda Ceerigaabo waxa uu sheegay in xiligan nabadgelyadu aad u wanaagsan tahay, isla markaana aanay jirin haba yaraatee wax dhibaato ah oo hadda gobolka ka taagan.

Balse ay jiraan dad xumaanta jecel oo warbaahinta ka jeediya dhaliilo iyo waxyaabo aan jirin, waxaanu yidhi “Waxaad moodaa in dadku xumaanta iska jecel yihiin. Ceerigaabo wax kacsanaan ah iyo wax dhibaato ah oo ka jira, midnaba ma jirto. Way jiraan dadka qaar ayaa isaga dhashay in ay mar walba wax dhaliilaan, laakiin wax dhibaato ah oo imika noo muuqda, marka loo eego sidii markii aan imid ay ahayd iyo siday maanta tahay, aad bay u kala fog tahay. Cagaha ayaanu dhulka ku haynaa, nabadgelyadu way soo hagaagaysaa, wax dhibaato ahina nama hayaan.

Laakiin se dad baad moodaa had iyo goor in ay ka helaan wax baa dhacay iyo waan hadlay iyo wax baan meel ka idhi, oo isku haysta uun TV-ga marka laga hadlo inuu wax siyaadiyo. Markaa dadkaas ayuun baa wax dhaliilee, halkaanu taagnayn markii hore iyo maanta aad ayaanu u wanaagsan nahay, wax dhibaato ah oo na haystaana ma jirto. Inta kale-na waanu iska kab-kabanaynaa, oo way noo hagaagaysaa insha ALLAAH”.

Ugu danbayn badhasaabka oo aanu waydiinay cida uu ula jeeday hadal han-jabaad u muuqday oo uu shalay ka jeediyay goob lagu dhagax dhigayay xafiiska ay magaaladda Ceerigaabo ku yeelanayso wasaaradda Boostadda iyo isgaadhsiinta Somaliland.

Hadalkaas oo uu badhasaabku si cad ugu tiraabay in cidii ka amar qaadan wayda isaga oo ah badhasaabka gobolka Sanaag aanay magaaladda sii joogaynin oo ay iska tegayso, waxa uu ku jawaabay “Waxaan u jeeday, dad baa ka qayl-qayliyay meesha. Waayo? meesha xafiis dawladeed ayaa laga dhisayay. Niman shaadh dawladeed xidhan ayaa yidhi anagaa leh, oo dawladda ayaa leh. Meeshana (Ceerigaabo) dee anigu laba dawladood kuma ogiye, dawlad qudha ayuun baan ku ogahay oo aan anigu ka madax ahay.

Markaa qolooyinkii lahaa meeshan anagaa leh, ayaan la hadlayay. Saddex qolo ayaa sheeganayay, kuwaas ayaan la hadlayay oo aan ku idhi meeshan dawlad baa loo dhisayaaye, cidna uga fasax qaadan maayo”ayuu yidhi badhasaabka Sanaag.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Xafiis dawladu leedahay oo aad adigu ka madax tahay haddii la yidhaahdo waa la dhisayaa, masaajidka xataa haddii loo baahdo ayaa la duminayaa, waaba se meel la og yahay. Markaa meel banaan oo dawladda loo dhisayay ayay ahayd, oo nimankaa yidhi anaga ayaa leh oo magac dawladeed ku sheeganayay, ayaan lahaa dawlad ayaa meesha loo dhisayaaye, haddii aad amarka qaadan waydaan waydun isaga tegi meesha wada joogi maynee”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply