Siyaasiga Maxamed Xaashi oo la Hadlay Tayada Waxbarashada Dalka

0
293

Hargaysa (Dawan) Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi ayaa soo jeediyay in sare loo qaado waxbarashada dugsiyada dawlada ee hoose dhexe iyo sare.

Maxamad Xaashi Cilmi oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in deeqaha waxbarashada ee dalka dibadiisa loo diro ardayda dugsiyada hoose dhexe ee dawlada,

Maxamed Xaashi Cilmi oo arrimaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa in sare loo qaado waxbarashada dugsiyada dawlada, kuwa gaarka looga leeyahay ha inoo danbeeyaane, waana in waxbarashada dibada ee jaamacadaha la siiyo, waa in ardayda dugsiyada hoose dhexe la siiyo, waana in tiro waafiya la siiyo dugsiyada hoose dhexe ardayda waxbarashada dibada loo dirayo ee aan tacliinta waafiga ah helin si ay wax u soo korodhsadaan”.

Sidoo kale Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay in shaqada ugu badani ku dhacdo hooyada. waxaana uu yidhi “Ragii shaqadii maanta mahayaan dumarka ayaana reeraha masruufa, waxaana ay u badan yihiin danyarta sida caanalayda, khudradlayda ee suuqa ka shaqaysta, markaa hooyadii waa mashquul intii ay uurka lahayd iyo intii ay umusha ahayd waa mashquul, markaa hooyada ayay ku dhacaysaa shaqadii oo dhami”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply