Jidka Isku Xidha Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn oo Xadhiga laga Jaray

0
377

Ceerigaabo (Dawan)- Waddada laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn, ee gobolka Sanaag, ayaa shalay si rasmi ah xadhiga looga jaray.

Waddadan laamiga ah oo dhererkeedu yahay 86 kilomitar waxaa xadhiga ka jaray wasiirka wasaaradda gaadidka iyo horumarinta waddooyinka Somaliland Cabdillaahi Abokor.

Waddada Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ayaa ka qayb ah mashruuca dhismaha laamiga ah ee isku xidhaysa magaalooyinka Burco illaa Ceerigaabo oo dhan 284 kilomitar.

Waa mashruuca ugu wayn ee halkaasi laga bilaaabay oo shanti sanno ee la soo dhaafay soo socday, waxaana illaa iyo haatan ku baxay 22 milyan oo doolar.

Dadka deegaanka ayaa ayaa sheegay ka hor dhismaha waddadan in safarkooda magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo uu ku qaadan jiray 12 saacadood oo safar ah, wakhtiyada xilli roobaadja ahna ay habeen u dhixi jireen, balse ay hadda ku qaadato illaa 5 saacadood.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply