“Mandaqadan Geeska Afrika Quwadaha Ka Taliya Ayay Somaliland Ka Mid Tahay”

0
304

Hargeysa (Dawan) Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar iyo Cabdillaahi Aadan Cumar Wayab oo ka mid ah suxufiyiinta waaweyn ee reer Somaliland ayaa naqdiyay imaatinkii Cabdiweli Gaas madaxweynaha maamulka Puntland uu ku yimi degmadda Badhan ee gobolka Badhan.

Waxaney socdaalka Cabdiweli Gaas ku macneeyeen in uu cimri dherer ka dhiganayay iyo in uu doonayay in uu rido dagaal, si uu muddo kordhin dhanka xilkiisa ah loogu sameeyo oo uu meesha uga saaro indeegaanada uu ka taliyo ay doorasho ka dhacdo.

waxaa kale oo ay suxufiyiintu sheegeen in Somaliland ay tahay dawladdaha wax laga waydiiyo arrimaha mandaqada geeska Afrika.

Waxaanay suxufiyiintani sidan ka sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa

Wariye Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar ayaa faahfaahin ka bixiyay nuxurka socdaalka Cabdiweli Gaas ee Badhan waxaanu yidhi “Imaanka madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu ku yimi magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan waxaa ay ku fadhiday saddex qodob oo waaweyn, haddii Somaliland tallaabaddaasi ay qaadana saddexdaa qodob ayaa hirgeli lahaa,Somalilandna way la socotay saddexdaa qodob inaanay hirgalina way ku talo gashay, Cabdiweli Gaas waxaa uu doonayay inuu dagaal ka dhex rido Somaliland gudaheeda, oo magaalo Somaliland ku taalla lagu dagaalamo, waxaa uu rabay inuu dadweynaha reer Badhaneed yidhaahdo waxaan idiin waday horumar, oo Somaliland ayaan idin ogoleyn, Somalilandna wax kasta oo u soo kordhaya bulshoweynte reer Badhaneed way ku faraxsan tahay ta kale waxaa uu doonayay marka goobtaasi dagaal ka dhaco in doorashada muddo kordhin loogu sameeyo oo uu quus ka joogo, Somalilandna way ka kortay in leyska qiyaasto oo la yidhaaho waxaasi ayaanu dooneynaa sidaasi ayaanu yeeleynaa, deetana faa’iidadaasi ayay inoo dhaleysaa Somaliland masuuliyadd iyo dulqaad ku filan ayay muujisay, mandaqadan geeska Afrika quwadaha ka taliya ayay Somaliland ka mid tahay, ee wax laga weydiiyo awoodana ILLAAHAY waxaa uu siiyaa ciddii hanan kareysa, Cabdiweli Gaas waxaa uu qaxoonti ku yimid Badhan waayo waxaa joogey Cabdiraxmaan Faroole Qardhana muu tagi kareyn oo nin ka miisaan weyn ayaa joogey sidaasi ayaanu shirka golaha wasiiradda ugu qabsadday Badhan”

Cabdillaahi Wayaab oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in aanu Cabdiweli Gardaradda joojineyn inta ay Soomaaliya dabadda ka soo riixeyso waxaanu yidhi “Somaliland mar walba waxaa ay ilaalisa mandaqadan amaankeeda iyo sidii ay dadku nabadgeliyo ugu wada noolaan lahaayeen hase ahaate inta Cabdiweli meesha yimid oo ka tirsan maamulka Soomaaliya, oo dabadana ay ka riixeyso Soomaaliya ma joojiyo gardarooyinka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply