Wasaarada Ganacsiga oo Fulisay Hawl-gal lagu Hubinayo Fayo-dhawrka Wershadaha

0
290

Hargaysa (Dawan)- Agaasimaha waaxda faya-dhoowrka deegaanka ee wasaarada wershadaha iyo ganacsiga ayaa shalay si rasmi ah u soo afmeeray kormeer ballaadhan oo uu ku gaala bixinayay maalmihii u danbeeyey dhamaan ba wershadaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargaysa iyo guud ahaan gobolka Maroodi jeex

Agaasimaha ayaa shalay kormeerkiisa ku soo gunaanaday labada wershadood ee kala ah wershada soo saarta waraaqaha iyo buugaagta wax lagu qorto ee AADCO iyo wershada soo saarta sharaabka iyo biyaha ee SBI, isla markaana lagu kordhiyay qayb cusub oo soo saarta caanaha ee LIS.

Dhuux Cabdilaahi oo ah agaasimaha waaxda kormeerka ayaa ka warbixiyay faa’iidada uu kormeerkan indho indhaynta ahi u leeyahay fayadhowrka deegaanka ee wershadahani, maadaama ay ku shaqeeyaan kiimiko, waxaanu yidhi “Waxaanu maanta soo afmeeraynaa kormeerkii ay wasaarada ganacsiga, wershadaha iyo dalxiisku ku samaynaysay dhamaan ba wershadaha gobolka Maroodi Jeex.

Maalmaha soo socdana waxaanu u gudbi doonaa gobolada kale ee dalka, waxaanuna kormeerkan oo kale ku soo samayn doonaa gobolada Gabiley, Awdal, Saaxil, Togdheer iyo dhamaanba dalka meeshii kasta ee ay wershadi ka istaadhan tahay.

Kormeerkaasi waxaa qayb ka noqon doonaa oo na raaci doona marka gobolada loo baxayo agaasimaha guud ee wasaarada iyo ciddii kale ee aanu kormeerku ka maarmi doonin.”

Agaaimaha waaxda fayadhowrka deegaanka ee wasaarada ganacsiga, wershadaha iyo dalxiisku isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi ku daray in dhamaan ba wershadaha ay kormeerayaan ay ka buuxin doonaan form cadaynaya sida ay u ilaaliyaan fayadhowrka iyo bedqabka deegaanka, maadaama ay ku shaqeeyaan daawooyin kiimiko ah

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply