Wajigii 2aad ee Dib Eegista Cabashooyinka Diwaangelinta Shaqaalaha oo soo Xidhmay

0
333

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa dhamaystirtay dib u eegista wajigii labaad ee diwaangelinta shaqaalaha dawladda oo lagu kala saarayey dadkii cabashooyinka soo gudbistay ee aan ku qancin diwaangelintii hore, kuwii ka habsaamay ee aan hore isku diwaangelin, kuwii deeq wax barasho ku maqnaa iyo waliba dadka dhintay iyo kuwa dhulyaalka ahaa ee xanuunsanaaya, dhammaan qaybahaasi oo ka mida shaqaalaha dawladda, ayaa la soo gebo gebeeyey dib u eegista diwaangelintoodii labaad.

Guddoomiyaha hay’dda shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in hay’adda shaqaalaha dawladdu soo xidhay hawlgalka wajigii labaad ee diwaangelinta shaqaalihii dawladda ee cabashooyinka u soo gudbiyey in dib u eegis iyo hubin loogu sameeyo mar kale maadaama oo aanay hore ugu qancin qaarkoodna deeqo waxbarasho ku maqnaayeen. kuwo dhulyaal ahaa iyo kuwo dhimasho ku timid intaba iskugu jireen, waxaanu guddoomiye Sharmarke ku wareejiyey xisaabiyaha guud ee qaranka Somaliland Axmed Daa’uud Geedi 374 Kaalmo shaqooyin oo ay u aqoonsadeen inay ka soo bixi waayeen shuruudihii shaqaalenimo si bayroolka dawladda looga saaro lacagtii ay qaranka ka qaadan jireen.

Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa sidan ku sheegay war qoraal ah soo saaray, kaas oo u dhignaa sidan:-

“Dhamaystirka dib u eegista wajigii labaad ee diiwaangelinta shaqaalaaha dawladda Somaliland; tiro is-diwaangelisay, tiro fasaxa ay ku maqan yihiin lagu qancay iyo 374 kaalmo shaqo oo la joojiyey”

Iyada oo guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu muddooyinkii u dambeeyey fursad siiyeen dib-u-eegista tiro badan oo sababo kala duwan kaga baaqday wajigii koobaad ee diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa waxaa si dhamaystiran u soo xidhmay wajigaa labaad.

Haddaba, tiradaa wajigaa 1aad ka maqnayd diiwaan-gelinta ayaa ka sakow intii laga joojiyey kaalmaha shaqo waxa ay isugu jireen; dhimasho, xanuun, fasax waxbarasho , dhul-yaal , habsan iyo tiro u baahnayd in dood ay qabeen la siiyo fursad dib loogu dhagaysto.

Ugu dambayn, markii dib-u-eegis lagu sameeyey, ka sakow inta is-diiwaangelisay ama sababta ay ku maqan yihiin lagu qancay waxaa buuxin kari waayey shuruudihii loogu aqoonsan lahaa in ay waxbarasho ku maqan yihiin, caafimaad ama ay ahayeen habsan tiro dhan 374 qof halkaas oo aanu xisaabiyaha guud ee qaranka ku wareejinay si uu u hakiyo kaalmahaa shaqo.

Waxa kale oo la soo saaray liiska dhimashada oo wajigan labaad iyo kii hore marka la isku daro dhan 200 qof kuwaas oo weli magacdoodu ku jiraan liiska mushahar bixinta” halkaas oo siyaasad iyo qorshe kadib loo diyaarin doono hannaan iyo hab wanaagsan oo qoysaskii ay ka soo jeedeen loogu diyaarinayo xuquuq intii ay qaranka u soo shaqaynayeen.

Waxa halkaa si wanaagsan ugu soo dhamaaday diiwaan-gelintii shaqaalaha dawladda oo wajiyadii ay lahayd oo dhan u soo dhamaadeen si habaysan oo aan degdeg lahayn.

Maalmaha soo socda waxaa soo baxaya qorshaha qaran ee buuxinta kaalmaha shaqo ee bannaanaday iyo tirada darajooyinka ay kala ahayeen si loogu diyaariyo nidaam xulasho oo hufan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply