Somaliland oo ka Qaybgashay Bandhig Dhaqameed Lagu Qabtay Jarmalka

0
285

Hargeysa (Dawan)- Xubno ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddanka Jarmalka, ayaa shalay ka qaybgalay bandhig dhaqameed caalamiya oo lagu qabtay magaalada Boon ee dalka Jarmalka, kaasi oo ay ka qaybgaleen 120 Waddan, oo lagu soo bandhigayey taariikhaha iyo xadaaradaha bulshooyinka caalamka.

Guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee waddanka Jarmalka Cabdifataax Cali Daa’uud, guddoomiyaha ictiraaf raadinta Somaliland ee Jarmalka Maxamed Xuseen Dhacsiiye iyo xubno kale oo ka mid ah qurbajoogga Somaliland, ayaa wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, u sheegay in madal dhaqameedkaas ay madaxdii iyo dadkii ka soo qaybgalay uga warrameen sooyaalkii taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland u soo martay dowladnimadeedda iyo sida ay u tahay qaran madax-bannaan oo rubuc qarni ka hor xornimadiisii kala soo noqday Soomaaliya.

Cabdifataax Cali Daa’uud iyo Maxamed Xuseen Dhacsiiye, waxay xaqiijiyeen inay madashaas ku qaybiyeen qoraallo ka hadlaya taariikhda iyo dhaqanka guunka ah ee ummadda reer Somaliland.

Waxa kaloo ay tafaasiil ka siiyeen masuuliyiin ka socday xisbiyada siyaasadda Jarmalka, dowladnimada, dimuqraadiyada iyo nabadgelyada ka tisqaaday Somaliland ee beesha caalamku aanay kaalinta ku lahayn hirgelinteeda. Waxaanay faahfaahin ka bixiyeen farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Waddanka Jarmalka Cabdifataax Cali Daa’uud wuxuu caddeeyey in bandhigan oo noqon doona mid sannadle ah ay si joogto ah uga qaybgali doonaan mustaqbalka si ay uga dhex ololeeyaan qaddiyadda ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply