Madaxweyne Muuse oo Magacaabay Xubnaha Afar Guddi oo Heer Qaran ah

0
363

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay xubnaha afar guddi oo heer qaran ah.

Xubnaha afarta guddi ee madaxweynaha Somaliland uu magacaabay ayaa kala ah xubnaha gudida komishanka maamul wanaagga, xubnaha komishanka xakamaynta AIDS-ka ee heer qaran, xubnaha guddida dhawrsita tayada iyo guddida tacliinta sare ee qaranka.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Somaliland oo uu ku magacaabay xubnaha afarta Guddi, ayaa u dhignayd sidan:-

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir Magaca Xilka

  1. Axmed Jaamac Maxamuud Xubin;
  2. Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Maxamed Xubin;
  3. Maxamed Axmed Cawaale Xubin;
  4. Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi Xubin;
  5. Dayib Aadan Xaaji Cali Xubin.

Komishanka qaranka ee xakamaynta AIDS-ka

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir Magaca Xilka

  1. Naasir Ayjeex Jaamac Agaasimaha Fulinta;
  2. Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim, Agaasimaha Wacyi-gelinta iyo Abaabulka;
  3. Maxamed Jaamac Siciid, Agaasimaha Tababarada iyo Horumarinta Hawl-wadeenada;
  4. Maxamed Abiib Yuusuf, Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka.

Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir Magaca Xilka

  1. Faysal Maxamuud Siciid, Xubin;
  2. Maxamed Ismaaciil Dhimbiil (Suufi). Xubin;
  3. Cali Sheekh Muxumed Aw Cabdi, Xubin;
  4. Xasan Maxamuud Maxamed (Bakoosh), Xubin.

Guddida Tacliinta Sare

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Xuseen Xaaji Xasan Guuleed, Guddoomiye;
  2. Maxamed Xasan Sheekh Muumin, Guddoomiye Ku-xigeen;
  3. Cabdirisaaq Muuse Faarax, Xubin;
  4. Cismaan Jaamac Aadan, Xubin;
  5. Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Duse), Xubin;
  6. Axmed Cali Xirsi (Sulub), Xubin.

Masuuliyiintii xilalkan hore u hayey waxaan uga mahad-celinayaa muddadii ay Qaranka u soo shaqeeyeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply