“Waxaanu ka Wada Hadlaynaa Jabuuti Saaxiibtinimada Labada Dal” Wasiir Hinda

0
333

Hargeysa (Dawan)- Wafti ay hoggaaminayso wasiirka wasaaradda shaqo gelinta , arrimaha bulshada iyo qoyska Marwo, Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ay ka mid yihiin Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Cabdifataax Saciid Axmed iyo guddoomiyaha, garabka haweenka ee Xisbiga Kulmiye, Dalays Shire Faarax ayaa safar shaqo oo laba maalimood qaadanaaya ugu ambabaxay dalka Jabuuti.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Danjire Cabdifataax Saciid Axmed ayaa ugu horayn ka hadlay ujeedada guud ee ay masuuliyintan ugu socdalayaan dalka Jabuuti , waxana uu yidhi “Wasaaradda arrimaha qoyska waxa ay casuumad rasmiya ka heshay dhigeedda jamhuuriyadda Jabuuti , wasiir Muumina, safarkaasi waxa uu qaadan doona laba cisho haddii alle idmo, waxaanay la kulmayaan afar wasiir oo xukuumadda jabuutiya iyo ururrada haweenka.”

Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa sheegtay in ay casuumad rasmiya ka heshay dhigeeda dalka Jabuuti Marow Muumina “waxa aan u kicitamaynaa dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, kaasi oo aan casuumad rasmiya ka helay dhigayga jabuuti, waxaanan halkaa kula kulmayaa afar wasiir oo xukuumadda Madaxweyne Geelle ah.”

Marwo Hinda oo la wayidyey waxa ay kala hadlayso wasiirka ay kula kulmayso dalka Jabuuti ayaa sheegtay “Waxa aanu ka wada hadlaynaa waxa labada dal saaxiibtinimadooda wanaag ku soo kordhinaaya.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply