Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Guddi Madaxweynuhu Magacaabay

0
367

Hargeysa (Dawan)- Golaha wakiillada jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodi shalay ku ansixiyey shanta xubnood ee Komishanka Maamul-wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Fadhigan oo uu guddoominayey guddoomiyaha aqalka wakiillada Somalialnd mudane Baashe Maxamed Faarax, waxa golaha ka soo xaadiray 49 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Mudane ee Goluhu ka kooban yahay, waxaana ka hor ansixinta shanta xubnood ee Komishanka Maamul wanaagga fadhiga laga akhriyey taariikh nololeedka iyo khibrada shantaasi xubnood iyo shaqada madaxweynuhu u soo magacaabay, kuwaasi oo dhammaantood uu goluhu meelmariyey.

Waxaana shanta xubnood ee Komishanka maamul wanaagga ugu kala codeeyeen sidan:

1-Axmed Jaamac Maxmed, waxa ogolaaday 35 Xildhibaan, 5 Mudane ayaa diiday, halka afar xildhibaanna ka aamuseen.

2-Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil, waxa ogolaaday 35 Xildhibaan, waxa diiday 5 xildhibaan, waxa ka aamusay 4 Mudane.

3-Maxamed Axmed Cawaale, waxa ogolaaday 35 Mudane, waxa diiday lix xildhibaan, waxa ka aamusay 8 Xildhibaan.

4-Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi, Waxa u coddeeyey 34 xildhibaan, waxa diiday shan xildhibaan, waxa ka aamusay 8 Mudane.

5-Dayib Aadan X. Cali, waxa ogolaaday 39 xildhibaan, waxa diiday Shan Xildhibaan, halka Saddex Mudane ay ka aamuseen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply