“Magacaabista Madaxweynahu Waxay ka Turjumaysaa Kalsoonidu uu igu Qabo”

0
382

Hargeysa-(Dawan)- Wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay inuu madaxweynaha ugu mahadcelinaayo kalsoonida uu ku qabo, waxaanu sheegay in wasaaradda uu gaadhsiinaayo meel ka wanaagsan halka ay maanta joogto.

“Wasaaradda maaliyaddu waa wasaarad aad iyo aad u muhiima, magacabiista uu madaxweynuhu i magacaabayna waxa ay ka turjumaysaa kalsoonidu uu igu qabo waanan ugu mahadcelinayaa kalsoonida uu igu qabo.” ayuu yidhi mar uu waraysi gaar ah siinayey Telefashanka maxaliga ah ee Eryal TV.

Wasiirka wasaaradda maaliyada Dr, Sacad Cali shire ayaa sheegay inuu uu meel sare gaadhsiiyey wasaaradda laga bedelay ee arrimaha debadda, waxaana uu yidhi “Wasaaradda arrimaha debadda waanu u dadaalnay oo meel wanaagsan ayaanu gaadhsiinayn oo aanay joogin maalintan la wareegay, cid walbana waa ka markhaati, waxa aan u mahadcelinyaa raggii ila shaqayn jiray madax iyo mijaba, oo runtii shaqo aad iyo aad u qiimo badan aanu wada qabanay “

Dr Sacad Cali shire ayaa xaqiijiyey in wasaaradda maaliyadda uu gaadhsiin doona meel ka wanaagsan halka ay maanta joogto, waxaanu yidhi “Wasaaradda cusub ee aan ku wareegay, waanu ku daadali doona intii kartidayda ah, waxaanan rajaynaynaa in aanu qaban doono shaqo aad u wanaagsan, halka ay maanta taagan tahay waanu ka qaadi doona waxaan goyn doona meel aad iyo aad uga saraysa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply