Guddida Qandaraasyada oo Shaaciyey Shirkado ku Guulaystay Sadex Mashruuc

0
637

Hargaysa (Dawan)- Gudida qandaraasyada qaranka Somaliland ayaa soo bandhigay saddex shirkadood oo ku guulaystay fqandaraaska fulinta saddex mashruuc oo ay hore u baahiyeen.

Saddexdan mashruuc ee gudida qandaraasyada qaranku ay baahiyeen ayaa kala ahaa Roog la dhigayo garoonka kubada cagta ee magaalada Burco ee Alamsay Istaadyoom, dhismaha cusub oo loo dhisayo Wasaarada maaliyada iyo dhisme loo dhisayo jaamacada Hargaysa.

Guddoomiyaha gudida qandaraasyada qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa si rasmi ah u shaaciyay shirkadhii qandaraasyadaa ku guulaystay. Waxaana uu yidhi “Waxa aanu ku dhawaaqaynaa go’aankii kama danbaysta ahaa ee saddexdii Mashruuc ee kala ahaa Garoonka Alamsay istaadyoom ee Burco, dhismaha Wasaarada Maaliyada iyo Dhismaha Jaamacada Hargaysa.

Garoonka Alamsay Istaadyoom waxa isugu soo hadhay labada shirkadood Haboon Conistraction iyo Onyantan conistaraction, waxaana ku guulasytay in Garoonka Alamsay istaadyoom rooga dhigto Haboon Conistraction. Jaamacada Hargaysa waxa isugu soo hadhay saddex shirkadood oo kala ah Caalin Conistrantion Madiina Al Yuusuf, waxaana ku guulaystay Caalin Conistraction. Dhismaha Wasaarada Maaliyada waxa u tartamay saddex shirkadood oo kala ah Tayo Dhis Conistaraction, Dilayte Conistaraction iyo Madiina Conistraction, waxaana ku guulaystay shirkada Dilayte Conistraction.”

Dhinaca kale, shirkadihii tartankaasi ka qayb galay ayaa ku ammaanay guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland sida caddaalada ah ee ay mar walba u soo bandhigaan Qandraasyadaa, waxaanay tilmaameen in guddidu ay si cadaalad ah u maamuleen tartanka qandaraaskaas iyaguna ay ku qanceen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply