Wasiirkii Hore ee Maaliyadda oo Aqbalay Xubinta Komishanka Tacliinta Sare ee loo Magacaabay

0
416

Hargeysa (Dawan)- Wasiirkii hore ee sasaaradda horumarinta maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa daboolka ka qaaday in uu ku qanacsanyahay xilka laga nasiyey, waxa kale oo uu ballanqaaday inuu qaban doono xilka xubinnimada Komishanka tacliinta sare ee madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

War-saxaafadeed uu shalay soo saaray wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, ayaa u qornaa sidan:

“Anigoo ah wasiirkii hore ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, waxaan si waafi ah ugu soo bandhigayaa guud ahaan shacab weynaha Somaliland guddo iyo dibadba, gaar ahaan dhalinyaradda iyo madaxda kala duwan ee Qaranka si gaar ahaaneed madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi in aan si buuxda ugu qanacsanahay xilkii wasiirnimo ee layga nasiyey, sidoo kalena, aan ku niyad samahay xilka Qaran ee kale ee uu madaxweynuhu ii igmaday.

Waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba xasuusinayaa lana wadaagayaa shacab weynahayga aan jecelahay ee reer Somaliland in sunnaha xilka Qaran ama Dawladnimo yahay magacaabis, bedel iyo nasin, balse ay waajib qaran tahay in masuul kasta oo loo igmaday xil uu u guto hufnaan, hagarla’aan iyo daacadnimo; iyada oo la joogo xilligii aynu gamcaha is qabsan lahayn, isla markaana u adeegi lahayn inaga oo wada jirna dalkeena, diinteena iyo dadkeena inaga oo si wada jir ah ula shaqaynayna Madaxdeena Qaran.

Waxaa mahadnaq weyn iyo sharaf weyn iga mudan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xil magacaabistaydii wasaraadda maaliyadda iyo muddadii 10-ka bilood ahayd oo iila shaqayeey si wanaagsan oo gobanimo leh, hawl gudashada xilkaa qaranka isla markaana waxaan balan qaadayaa in aan sii laban laabo u shaqaynta Qaranka Xil kasta oo uu ii garto, iyadoo la joogo xilligii muwaadin kastaaba is weydiin lahaa waxa uu dalkiisa u qaban karo balse aanu ku foog nayn waxa uu dalku isaga u qabanaayo danta guudna la siinayo mudnaanta kowaad lagana horumariyo danta gaar ahaaneed, Dawladnimadda iyo Siyaasadduna waxay u baahantahay Samir, Dulqaad iyo Adkaysi. Waxaan hore u ahaa gacanta midig ee madaxweynaha waxaan balan qaadayaa in aan noqon doono gacantiisa midig iyo bidixba lana bar bar istaagayo hiil iyo hooba. Somaliland Guul iyo Gobonimo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply