“Wali Maan Arag Wargeys ka Hadlaya Maxaynu Xashiishka Iskaga Guri Waynay Maxaynu u Biyo La’nahay iyo Tayada Waxbarashada”

0
391

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa soo jeediyay in la kala saaro mucaaradnimada iyo jabhadnimada.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay soo dhawaynayso mucaaradnimada wax lagu toosinayo ee xisbiyada mucaaradka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in aanay aqbali doonin in warbaahintu sii dayso warar lidi ku ah xasoolinada dalka.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax oo hadal ka jeediay furritaankii shirwaynaha sanadlaha ah ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waanu soo dhawaynaynaa wixii dhaliila, toosinteedana la raaciyo waanu soo dhawaynaynaa, hase yeeshee war dadka isku diraya oo dadka qixinaya dawladu raali kama aha, waana in la kala saaro mucaarad iyo Jabhad. Somaliland saddex xisbi ayay leedahay labo ayaa mucaarad ah wali Nin Waddani ah iyo UCID oo dawlada dhaliilay oo la xidhay lama hayo, hase yeeshee marka ciidamada laga hadlayo ninka ciidanka ahi haduu shaqadii ka tagay oo uu ka baxay oo xaga cadawga ka soo jeedsado dambiile qaran ayuu aduunka ka xisaab sanyahay, waliba ninka leh madaxweynaha ayaan Hargaysa ugu tagayaa oo aan qixinayaa cidna laga yeeli mayo.

Markaa ma aniga ayaad i qixinaysaan, ma hooyadaa ayaad qixinaysaa, waxa aad sheegaysaan maankiina la kaashada oo wax walba war haka dhigina”.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in aanay jirin amar uu ku bixiyay in la xidho Suxufi intii uu xilka hayay. Waxaana uu yidhi “Wasaarada warfaafinta intii aan imid saxafi kaliya in la xidho ma amrin. Sidaa daraadeed 18 saxafi ee la leeyahay waa la xidhay anigu eedaas ma lihi, Solja may caddayn in wasaaradu xidhay iyo in guddoomiyaasha gobalada xidheen.

Markii aan xilka qabtayna waxa aan soo saaray in aan saxafi kaliya la xidhin, laakiin lala xisaabtamo mulkiilayaasha warbaahinta iyo Tafatirayaasha. Wali maan arag wargays ka hadlaya maxay wadooyinka Hargaysa u googa’an yihiin, maxaynu xashiishka iska guri la’nahay, maxaynu u biyo la’nahay waxbarashada iyo tayada jaamacadaha dalka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply