Hanti-dhawraha Qaranka oo Wakiiladda u Gudbiyay Xisaab Xidhka Sannadkii 2017

0
698

Hargeysa (Dawan) Guddi hoosaadka dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiiladda Somaliland ayaa kulan xog wareysi ah la qaatay hanti dhawraha qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir.

Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay buuggii xisaab xidhka sannadka 2017-ka kaas oo uu u soo gudbiyay golaha hantidhawraha guud

Guddoomiyaha guddi hoosaadka dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiiladda mudane Ibraahim Mahdi Buuba ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay kulankan ay la yeesheen hanti dhawraha guud ee qaranka waxaanu yidhi “Guddidan iyo xafiiska hanti dhawrku waxaa ay ka wada hadlayeen ama kulankayagu daarranaa, xisaab xidhkii sanadka 2017 oo uu golaha u soo gudbiyay islamarkaana gudidani ay gacanta ku heyso, guddiduna ay golaha horgeyn doonto, waxaanu wax ka weydiiney buugaasi ay ka soo diyaariyeen xisaab xidhka wixii aanu u aragney inay u baahan yihiin faahfaahin dheerad ah, in laga siiyo golaha marka aanu horgeyno, waaney ka bixiyeen intii karaankooda aheyd”

Xildhibaan Buubaa oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay. “Xisaab xidhkani waa uu ka duwan yahay xisaab xidhadii hore ee la keeni jiray, waanu ka faahfaahsan yahay, in kasta oo aan la odhan karin waa la gaadhay boqolkiiba boqol xisaabaadkii 2017 oo sidii ay aheyd baa loo soo wada bandhigey aan la odhan karin xisaab xidhkeeda hadana buuga waxaa ka muuqatay faahfaahin aad u qoto dheer.”

Hanti dhawraha guud ee qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir oo isna goobtaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaa ballan ay noo qabteen aanu ugu nimid gudida dabagalka hantidda qaranka, gudida waxaa aanu u soo gudbiney xisaab xidhkii 2017-kii, shirgudoonkuna waxaa uu u soo gudbiyay gudida ku shaqada leh si ay wixii faahfaahina golaha ugu soo bandhigaan anagana waxaa ay noogu yeedheen in wixii faahfaahina ee ay u baahdeen aanu u soo gudbino, sababta oo ah sannadkan waxaa aanu soo diyaariney buug weyn oo illaa 300 oo bog gaadhaya, kana duwan xisaab xidhadii hore oo aanu ku saleynay in aanu heerka caalamka gaadhsiino, annaga oo 2018 rajeynayna in uu xisaab xidhkiisu ka sii qurux badnaan doono”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply