Badhasaabka Gobolka Awdal oo Deeq Xoolo Ah Ku Warejiyay Ciidamada Qaranka Somaliland

0
660

Boorama (Dawan) Badhasaabka gobolka Awdal mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa deeq xoolo ah oo dhan laba boqol, todobaatan iyo afar neef ku wareejiyay taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Waxaa uu sheegay badhasaabku in aanay deeqdani noqoneyn tii ugu danbeysay ee ay soo gaadhsiiyaan ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland, balse ay halkaasi ka soo wadi doonaan.

Sidoo kale taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sarreeyo gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa maamulka gobolka Awdal iyo bullshadda reer Boorama uga mahad celiyay deeqaha aan kala go’a laheyn ee ay laga garab taagan yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee jiida hore.

Munaasibadii deeqdan xoolaha ah lagu wareejinayay ayaa ka qabsoontay barxadda hore ee wasaaradda gaashandhiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horeyn badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ka hadlay munaasibadii ay ku wareejinayeen deeqdan xoolaha ah ayaa yidhi  “Aniga oo ah guddoomiyihii gobolka Awdal, munaasibadan maanta waxaa aan ku wareejinayaa adhi aan u wado, ciidamadda qaranka Somaliland ee jiida hore jooga, kaasi oo aanu ku wareejin doono taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, adhigaasi oo tiradiisu dhan tahay 274 neef, waxaanu ka keenay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, iyadda oo aanu mar horena keenay taakuladii oo raashin iyo geelba isugu jirtay, maantana aanu wadno adhigani, noqona meyso tii ugu danbeysay ee waanu wadeynaa Insha Allah.”

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani  ayaa bulshada reer Awdal ku ammaaney deeqaha aan kala go’a laheyn ee ay la garab taagan yihiin ciidamada qaranka ee jiida hore, waxaanu yidhi “Gudoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo masuuliyiinta kale ee la socotaba, iyo bulshaweynta reer Awdalba waxaanu uga mahad celineynaa, xoolaha ay ugu deeqeen ciidamadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee jiida hore”

“Maaha xoolahan markii koobaad ee ay ugu deeqaan ciidamada qaranka ee dhawr jeer oo hore ayay caawimo soo bixiyeen, maantana caawimo tii ka badan ayay noo wadaan, bulshada reer Awdal iyo golayaashooda deegaankaba waxaan leeyahay Illaahey heydinka jasaa’id siiyo, waananu idinka guddooney hadiyadda aad ciidanka qaranka ugu deeqdeen” ayuu yidhi Taliye Nuux Taani.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland mudane Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo isaguna munaasibadaasi kahadlay ayaa bulshada gobolka Awdal uga mahad celiyay hadyadan ay soo gaadhsiiyeen ciidanka qaranka, waxaanu yidhi “Hadiyadani waa hadiyadd nagu qaali ah ka ciidan ahaan, aadna waanu ugu mahad celineynaa Illaaheyna garabkiina ha galo, meeshi aad ka soo saarteena Illaahey kheyr heydiinku badalo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply