Guddoomiye Ku Xigeenka Tacliinta Sare Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey

0
494

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiye ku xigeenka guddiga tacliinta sare ee Somaliland Maxamed Xasan Sheekh Muumin ayaa waxa uu beeniyay hadal sheegayey in guddigu tacliinta sare ay mushaharkii ka joojiyeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo hadda ka tirsan guddida tacliinta sare, ka dib markii uu ka soo xaadiri waayay Xaynaadbka shaqada ee guddiga.

Maxamed Xasan Sheekh Muumin ayaa sheegay in Wariye Waraysi ka qaaday uu bedelay qaabka hadalkiisa “Waxa ii yimid Nin wariye ah oo Badri la yidhaahdo , waxaan ugu waramay halka aanu marinayno, hawlahayaga shaqo, tallaabooyinka aanu ka qaadnay jaamacadaha, waxa loo baahan yahay iyo sharcigii oo aanu samaynay, waxaan arkay inuu u booday meel uu isagu rabay oo yidhi waxa lacagtii laga joojay wasiirkii hore ee maaliyadda oo hadda guddiga ka mid ah, labadayduba xubno ayaanu nahay oo isku lacag ayaanu qaadanaa, markaa ma eryi karno annagu lacagna kama joojin karno.”

Guddoomiye ku xigeenka guddida tacliinta sare ee Somaliland Maxamed Xasan Sheekh Muumin ayaa tilmaamay in Wariyaha uu u sheegay in masuulkaasi aanu shaqada imaan, isla markaana ay ugu baqeen in uu soo shaqo tago , waxana uu yidhi “Annagu waxa aanu nidhi ha soo shaqo tago uun, markaa waxa uu wariyuhu baadhbaadhay ee uu magaalada geliyey kumaan talo galin, waxaan moodayey dad wanaagsan oo ILLAHAY ka baqaya, dadkan dadka isku dira ee balaayada afuufa ILLAHAY wuu inaga mamnuucay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply