Xukuumadda Somaliland oo Dalbatay Gargaar Caalamiya

0
504

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka Somaliland, Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in hal milyan iyo shan boqol iyo siddeed iyo siddeetan kun, laba boqol iyo konoton qof (1,588,250) ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Faysal Cali Sheekh oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in deegaanno ka mid ah gobolada dalku ay ku jiraan xaalad adag isag oo ku sababeeyey abaaro, dufaanno iyo arrimo kale oo culeyska keenay, waxaanu tilmaamay in 1,588,250 oo qof ay u baahan yihiin gargaar isugu jira xaalad adag iyo mid degdeg ah.

Guddoomiyuhu waxa uu kulan balaadhan la yeeshay Hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Hay’ada u  diyaar garowga Aafooyinka iyo kaydka Raashinka Qaranka Somaliland, sidoo kalena Guddoomiye Faysal Cali Sheekh waxa uu sheegay in qaar ka mid ah Gobolada Bariga ay ku soo wajahan yihiin Abaaro Xoogan.

Geesta kalena Gudoomiyaha Hay’ada u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka raashinka Qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh waxa uu Xukuumada Jamhuuriyadda Somalilnad, Hay’adaha Caalamiga iyo Shacabka Somaliland ugu baaqay inay caawimooyin la gaadhaan dadkaasi si looga diktoonaado abaarahaasi

Faysal Cali Sheekh oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Hal milyan iyo shan boqol iyo sideed iyo sideetan kun, laba boqol iyo konoton qof (1,588,250) ayaa u baahan gargaar degdeg ah oo isugu jira xaalad adag iyo mid degdeg ah oo gobolada Somaliland oo dhan runtii isugu jira. Waxaan Xukuumadda iyo dhammaan ha’ayaddaha caalaamiga ugu baaqaynaa in ay gacan ka gaystaan iyo wixii kale ee ay kala qaban karaan ay ka qabtaan.”

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga aafooyinka iyo keydka raashinka Somaliland , Faysal Cali Sheekh  ayaa sharraxay deegaanada ay sida gaarka ah u asiibtay xaaladdani waxaanu yidhi “Dhulka loo yaqaano Nugaal-Laascanaood, Xudun illaa Taleex, Ceel-afweyn, Gar-adag, dhulkaas waxaa ka jira culeys siyaado ah, Hawdka oo bilaabmaya, Faraweyne oo Hargeisa ah illamaa Saaxdheer oo Sool ah, dhulkaas oomanaha ah waxaa uu galay culesy darajada saddexaad ah, bariga Golis iyo galbeedka iyadana waxa ay ku jiraan xaaladda labaad, Gubanka dhulka loo yaqaano xeebaha waxaa uu galay xaalad degdeg ah, dhulka xoolo dhaqatada Togdheer sida Burco iyo Oodweyne waxa ay galeen xaalad adag,  Mardoodi-jeex, Gabiley iyo Awdal oo ah dhul xoolo dhaqato, beeraley ah waxaa ay ku jiraan xaalad adag”.

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga aafooyinka iyo keydka raashinka Somaliland, Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay sannadkii la soo dhaafay in uu wax soosaarka beeraha dalka Somaliland aad u yaraa, isaga oo abaaro, dufaanno iyo arrimo kale u sababeeyey waxyaabaha culeyska keenay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply