Guddida Joogtada Golaha Wakiillada oo Kulan Xog-waran ah la Yeeshay Wasiirka Warfaafinta Somaliland

0
516

Hargeysa (Dawan)- Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay kulan Xog-warran ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo).

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, ayaa ka hadlay kulankii ay la yeesheen Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiinta kale ee wasaaraddaas, waxaanu yidhi “Waxa aanu la kulanay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafintu, sida dhaqanku yahay annaga yeedhmaddayadu waa yeedhmo shaqo oo sida dastuurkuba dhigayo aanu u yeedhan karno oo aanu ka xog-waraysan karno xilalka ay Qaranka u hayaan.”

“Masuuliyiinta Warfaafinta waxaanu xog-waraysi kala yeellanay hawlaha ay hayaan, waxyaabaha ay hayaan halkay imika ku sugan yihiin. Warbixin ayey na siiyeen, warbixin faahfaahsan ayey naga siiyeen shaqadooda,” ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilladu.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay inay Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilladu Xog-waraysteen isla markaana ay siiyeen warbixin dhammaystiray oo la xidhiidha waajibaadka shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in la dalbaday qalabkii idaacadda weyni u ciladowday, waxaanu yidhi; “Idaacadii weynayd Warbixinta Guddida aanu siinayna waanu ku darnay way fadhidaa, Waxay la fadhidaa maaha qalab aynu innagu samaysanaynaye waxa lagu sameeyaa dalka Chine, mana aha qalab meel yaalla oo aanu dalbanayno ee marka dalabka la diro ayaa la sameeyaa muddo ayaanay qaadanaysay waanay noo maqan yihiin. Waxaanu filaynaa in dhawaan qalabkaasi noo yimaado oo la kiciyo.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka jawaabayey su’aal ahayd in xubno shaqaale ah loogu digay qoraallo ay ku baahiyeen saxaafadda bulshada, waxa uu tilmaamay in arrintaasi tahay war been ah oo la tabiyey, waxaanu yidhi “Waxa jira Guddi anshax Wasaaradda ah oo anshax marisa Shaqaalaha oo 9 qof ka kooban qof kasta oo Weriye ah waa loo yeedhaa iyadoo loo hayo wixii lagaga cabanayey waa la hordhigaa oo waa la weydiiyaa, marka lagu helo ee go’aan laga gaadho waxa loo gudbiyaa Hay’adda shaqaalaha dawladda, haddii ay Hay’adda shaqaaluhu diiddana waa la soo celiyaa, haddii ay ku qancaanna xukunkii ayaa sidii ku socda. Sidaas darteed sharci darro dalkan ma taallo waxaanu ku shaqeynaynaa Caddaallad.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply