WEEDHA WARGEYSKA Garabyada Toosintu Waa Ay Badnaayeen!

0
547

Shalay oo kale laba sannadood ka hor ama 17-kii Febuary 2017, waxaa munaasibad ballaadhan Xisbiga Kulmiye ku soo dhaweeyay, Garabkii Toosinta iyo Caddaaladda ee WADDANI oo uu hoggaamiyey Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga WADDANI Mudane. Axmed Muumin Seed oo waqtigan ah Wasiirka Beeraha.

Xafladda midowga labada dhinac oo ka dhacday huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo uu hormood u ahaa Guddoomiyaha xisbiga ahna madaxweynaha hadda Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ahaa, Xubnaha garabka Toosinta iyo Caddaaladda Waddani, taageerayaal tiro badan iyo marti sharaf kale. Halkaas ayaanu ku soo xidhmay dagaal addag oo maalintaas wixii ka horreeyay loo arkayay inuu ka dhex socdo Gudaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Waxaa ka horreeyay oo xaflad ballaadhan oo lagu qaabilay sidda oo kale garab balaadhan oo ka goostay Xisbiga Kulmiye oo dagaal adag la galay hoggaanka xisbiga ee waqtigaas.

Waxaa qalinku xasuusan yahay, October 1, 2016. Waxaa kulan albaabadu u xidhnaayeen hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ku yeeshay siyaasiyiintii waagaas ku bahoobay garabka is bahaysiga KULMIYE iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI kuwaasi oo wada hadallo u socdeen.

Waxaana kulankaas lagaga hadlay sidii uu u qabsoomi lahaa shirwaynaha xisbiga WADDANI iyo waliba dhamaystirka heshiiska ay siyaasiyiintu hor keeneen masuuliyiinta xisbiga WADDANI oo maxsuul u ahaa dhamaystirka wada hadalka.

Garabka siyaasiyiinta Isbahaysiga waxa shirka uga qayb galay wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee caddaalada Xuseen Axmed Caydiid iyo waliba wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xassan oo waqtigan ah hoggaamiyaha Xisbiga Waddani oo uu ku hantiyay heshiiskaas.

Dhanka kale, xisbiga WADDANI waxa shirka uga qayb galay guddoomiyaha xisbiga WADDANi Cabdiraxmaan Cirro iyo Xoghayaha Xisbiga Mudane Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo waqtigan hoggaaminaya isna garab hor leh oo Mucaarad ku ah guddoomiyaha xisbigaas, lana sheegay in laga saaray xisbiga.

Waxaa kale oo ka horreeyay illaa sanadihii bilowgii xisbiyadda iyo ururadda Siyaasada Somaliland garabyo iyo Axsaab kala cadhaysan. Kulmiye oo kali ah haddii aynu eegno inta jeer ee Garabyo ka jabbeen ma yarra. Waxaa la xasuustaa Shirarkii ay ka cadhoodeen Alla ha u naxariistee Cabdi Xassan Buuni iyo Maxamed-Rashiid…waxaa kale oo ka danbeeyay Garabkii bara saaray siyaasiyiintaas hore ee uu hoggaaminayay Mujaahidka aadka loo qadariyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka dareeray shirkii xisbiga Kulmiye ee Burco. Dhacdooyinku waa ay badnaayeen, waxaase qallinku ku xasuustay Guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa shalay shaaciyay inuu hoggaaminayo garab cusub oo toosin Kulmiye ah. iyadda oo aynu qaddarinayno aragtidda iyo garsheegadka ay xaqa u leeyihiin Garyaqaan Jaamac iyo Prof Cabdi Cali Jaamac oo ku wehelinayay shirkan Jaraa’id ee shalay, waxaa su’aali ka taagan tahay Garabkani maxaa uu kaga duwanaan doonaa Garabyadda hore ee soo maray Axsaabta Siyaasadda Somaliland?

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply