“Xisbiga WADDANI Waxaa La Isku Dalacsiiyaa Aflagaadada Madaxda Qaranka” Wasiir Xuseen Buuni

0
844

Hargaysa (Dawan):- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshaynta qaranka Somaliland Xuseen Ibraahim Buuni, ayaa sheegay in xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani la isku dalacsiiyo aflagaadada madaxda qaranka iyo been abuurka, waxaanu uga digay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani cayda iyo hadaladda naxliga abuuraya ee ay bulshada ku kala kaxaynayaan.

Waxa kale oo uu intaa raaciyay in mucaaridka looga baahan yahay in waxa ay sheegayaan ay caddaynteeda keenaan, iyadoo aanay xukuumaddu diidanayn in ay dhaliilaha jira ka hadlaan.

Wasiir Buuni oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Afhayeenka xisbiga Waddani hadalkiisa waxa ka muuqday caadifad iyo shakhsi weerar.

Madaxweynaha Somaliland qaranka isaga ayaa ugu sarreeya, waa summadii iyo astaantii qaranka, waxa uu Barkhad yidhi madaxweynuhu daaro ayuu dhisanayaa, xisbiga Waddani waxa sumcad lagaga helaa in madaxda qaranka la aflagaadeeyo mucaaradku siyaasad iyo hawl xukuumaddu gacanta ku hayso ayay dhaliilaan, waxaanan ugu baaqaynaa xisbiga Waddani in uu ka waantoobo hadalada naxliga iyo caadifadda faraha badani ka buuxo, kuna soo naqdaan xayndaabkii siyaasadeed, waxaana sharcigu u ogol yahay in ay dhaliilaan wixii xaqiiqda ku salaysan.”.

Wasiirku waxa uu sheegay in xisbiga Waddani laysku dalacsiiyo sida loo kala aflagaado badanyahay waxaanu yidhi. “Madaxweynaha Somaliland waa nin taariikh ku leh dalka, doorasho ayaynu galnay, waa la kala guulaystay, imika wixii ka dambeeya u dul qaadan mayno kurayda yaryar ee Waddani joogta ee aflagaadada lagu dalacsiiyay in ay habeen iyo maalin ba telefishanka u soo fadhiistaan madaxweynaha, waxaana looga baahanyahay waxay yidhaahdaan cadaynteedii, waxa la lahaa iyo waxa la yidhi looma baahna waxaanay sheegayaanna waa dhaliil aan sal iyo raad lahayn.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply